Wasiir Jangali oo ku Guulaystay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya

Bulsha:-  Kursigii Aqalka hoose Barlamaanka Soomaaliya Waxaa ku Guulaystay Cali Axmed Jamac Jangali oo helay 30,  waxaana uu wareegii 2aad ka Guulaystay Jaamac Xasan Khaliif oo helay 21.

Wareega kowaad ee doorashada Kursiga Aqalka Hoose, ayaa waxaa markii hore  la kala Helay Codad isku dhow, iyadoona markaasi kadib loo gudbay Wareega Labaad. Hoos ka Akhriso Natiijada Wareegii Koobaad.

Cali Axmed Jaamac Jaangeli 17cod
Jaamac xasan khaliif 17cod
Cabdifatah Maxamuud Camey. 11cod
Cabdi Jaamac Xaaji Gallad, 6cod

Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa waxaa Doortay Ergooyin Gaadhaya 50-Kuwaasi oo ah Beesha uu ku Matali doono Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaana Loolanka Kursiga siwayn looga dareemay magaalada Garoowe oo ay Doorashu ka dhacday.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment