Bulsha:- Si loo helo qoys is-fahansan oo ka dhex dhasha Shabakada GUURNET waxaan dadka Naga diiwaangashan qaab email ahaan ah ugu dirinaa fariimo khaas u ah raga iyo dumarka oo aan si gooni gooni ah ugu dirno tusaale ahaan raga waxaan u dirnaa fariimo iyaga quseeya kuna saabsan sida ugu wanaagsan ee raggu kula dhaqmi karaan haweenkooda halka sidoo kale dumarkana aan u dirno fariimo kusaabsan sida dumarku ula dhaqmayaan raggooda.
Fariimahaasi waxaay isugu jiraan dhinacyada, nolosha qoys, nolosha caruur, nolosha gogosha oo ah fariimo si asluubeysan loo qoray lagana ilaaliyay ereyo xanaf leh.. Guurnet waxaay aaminsanyihiin in furitaanka badan ay u sababtahay is-fahmiwaa dhex mara reerka cusub kadibna keena in meelo badan aan la isku fahmin waxaana dhamaan arimahaasi ku soo biyo shubtaan sadex jaho.
1- DHAQAALE… oo ah in la isku qabto arimo laxidhiidha dhaqaalaha oo nooc walba leh
2- GOGOSHA… oo ah inaan la isku qancin xagga gogosha taasoo ka iman karta aqoon dari ama caafiimaad dari
3- HINAASE…. Oo ah in labada ruux midi nihaaso dumarkaba ha u badnaadeene …
Inta badan qoraalada aan dirnaa waxaay ku qotomaan Sadexdaasi jaho haddaba iminka aan idin soo gudbino qormo U FURAN QOFKASTA oo kusaabsan (TODOBADA RUUX EE RAGGA LAGA RABO IN DUMARKA AY KU XUSHAAN)
Waxaa ilaahey mahadiisa ah in dhamaan qodobada soo socda ay hodan ka yihiin Hableheena sharafta leh basale sababta aan u soo bandhigeynaa ay tahay in raggu aysan waxyaabo kale ku mashquulin ee ay maanka ku hayaan bartaana tilmaamaha dumarka laga fiiriyo oo ah kuwa soo socda.
1- XISHOOD…. Xishoodku waa wax dadku kudhashaan balse ay badalaan oo ay sahlantahay in qofku si fudud xishoodka uga tago. Dumarku waaba la dhashaan xishoodka gaar ahaan hablaha Soomaaliyeed aad buu ugu xooganyahay oo xitaa wuxuu gaarsiiyaa nin marwado aysan ninkeeda Sariirta ugu yeeran Karin. Xilligaan la joogose raga qaar waxaay u yaqaanaan dumarka xishooda in ay jaahiliin yihiin oo aysanba adduunyada lasocon CAJIIB? Wiilyahow gabdha xishoodka badan dooro oo marwo kadhigo waayo xishoodka badani gabdha wuxuu ka ilaaliyaa in ay macsi kudhacdo oo ay gogol dhaafto. Gabadhuna waa in aysan isku qaldin xishoodka iyo xuquuqda oo ah in ninkeeda ay ula dhaqanto si furfuran oo soo jiidankarta dhinackasta.
2- CAQLI BADAN…. Raggu waxaay necebyihiin dumarka aadka u qurxoon balse aan caqliga badneyn sug bal ! halkaas aan mar kale ku laabto raggu ma jecla dumarka quruxda badan balse aan caqliga badneyn haa waa run waa suura gal in raga qaar caqliga badan ay uga qiimo badantahay quruxdu balse xaqiiqdu waa sidaa. Gabadha caqliga badani waxaay ninkeeda kadhigtaa mid ummadda ka dhex muuqda oo waxaay ku biirisaa fikrado isaga ka maqan ogow caqliga badani wuxuu ka dhashaa aqoonta sidaa daraadeed gabdha wax baratay la mid maahan midda aan waxba baran.
3- QURXOON….. Quruxda ninba si buu u yaqaanaa waxaase laga yaabaa in aysan ahayn midda aad moodo oo ah waji cad insho waawayn IWM balse gabadha qurxooni quruxdeeda shaarica kuma muujiso oo qofkastaaba ma arko hadaan si kale kuu iraahdo gabdhaha dharka dhigtaa ma qurxoona ee quruxi waa tan qarsoon oo laga ilaaliyay indhaha raga kale.. haddaan dhagta kuugu yar sheegana gabdhaha hagoogan hagoogooda hoostiisa quxubaa ku duugan ee il gaara u yeelo gabdhahaasi. Marka gabadha iyo adigu wada sheekeysigu idin bilowdo waa in quruxda gabdhaasi aad kadareentaa dhinackasta..Hadalkeeda, dhaqankeeda, edebteeda,aqoonteeda, iyo SANKEEDA.. Joogso ha ha tan udanbeysaa kuma jirto..
4- KUU HORSEEDA RIYOOYINKAAGA…. Dumarka qaar waa iskala kaa noolaadaan cunto fiicanbey kusiin wayna ku nooleyneysaa balse marnaba kalama hadleyso arimo laxidhiidha Riyooyinkaaga tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in waligaa ay maskaxdaada ku jirtay inaad ganacsade wayn noqoto gaar ahaan markaad guursato xullo gabadh ku dhiiri galisa kugu gacansiinkarta riyooyinkaagaasi in ay run noqdaa. Sababta arintaani muhiimka u tahay waxay tahay waxaa jira dumar raga niyad jabiya oo marka ay ku arkaan inaad arimo kale kusiijeedo ku dhaha waad naga mashquushay ee waxa aad ku mashquuleyso iskadaa ee inaga noosoojeeso.. qaarkoodna waxaayba arintaan ka abuuraan furiin iyo in reerku bur buro marka iska ogoow arintaan ka hor inta aadan guursan.
5- FUR-FURNAAN… Ma ogtahay in haweenka fur furan ee bashaashka ah aysan ku ekaan dumar aad qabto kali ah ee ay sidoo kale noqdaan saaxiibkaaga qaaliga ah. Reerka ugu nasiibka badani waa reerka hooyada iyo aabuhu ysan kali ah isku ahayn nin iyo naag isqaba ee ay sidoo kale yihiin saaxiibo. Hana ilaawin waa in fur furnaantani aysan ka xoog badan xishoodkii aan kor kusoo xusnay. Midnna xusuusnoow hablaha shiishada, qamriga, sigaarka iyo qaadka isticmaalaa waxaay u badanyihiin kuwo FURFURAN micnaha bashaasha ah…
6- DUMARNIMO…Waa wax muhiim u ah hablaha waayo waa wax aka dhigaya in rag ay haweystaan oo la guursado gogoshana lagu qanciyo.. aad bey muhiim u tahay in dumarku dareen ahaan ay sareeyaan oo uu ku jiro rabitaan rageed haddii kale waxaaysanba u baahnaandoonin inay guusato sidii warbixintii hore aan kusheegnay.
Gabadha dareenkeeda dumarnimo waa inuu sareeyaa balse xishoodkii aan soo xusnay uu daboolaa ogaadaana kali ah ninka guursada. Waxba ha ku mashquulin arinta raggu isku wareeriyaan ee ah FIRCOON MISE SUNNO waxba kama jiraan oo dareenka gabdhu waa wax ay ku dhalato haddiba ay caafimaad qabto..Heegan24.net,Waa run in xubinta dumarku kala duwantahay marka lagudo iyo marka aan la gudin hadana dareenkii wali waa u joogaa oo kuwo laguday ayaa kadareen badan kuwaan lagudin..Markaan gudniin leeyahay waxaan ula jeedaa midka Fircooniga loo yaqaano oo ah mid gabasha xubinteeda six un loo jaro.
7- WAALID JECEYL… Arintaan raggu waa ku kala aragti duwanyihiin oo waxaa jira rag aan jeclayn dumarka waalidkood kadanbeeya waayo waxaay aminsanyihiin in waalidku sabab u noqon karo bur burka reerkooda. Waase huubaal in gabadha waalidka jeceli ay sidoo kale jeclaandoonto waalidkaaga. Gabadha waalidka jeceli waxaay u badantahay in ay dhoowrsantahay waliba xilligaan oo uu aad u badanyahay waxa loo yaqaano QUDBOSIRADA oo ah in gabadhu nin hoos ka guursato iyada oo aaysan waalidkeedu ogeyn… WAALIDKA OO LA JECLAADAA WAA DUCADA OO LA JELAADO….
INTAAS HA NOO JOOGTO QEEYBTAAN….
Xitaa haddii aadan guurdoon ahayn waad ku soo biiri kartaa GUURNET si aad u hesho Warbixinada Khaaska ah ee aan Todobaadkiiba mar u dirno Dadka naga diiwangashan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment