Stylish Actor Allu Arjun Iyo Xaaskiisa Sneha Reddy Gabbar Ayaa Noloshooda Kusoo Biirtay

Bulsha:-  Stylish Actor Allu Arjun farxad uma dhino madaama xaaskiisa Sneha Reddy ay gabbad dhashay maalintii Isniinta ahayd waa sida ay qoyskaan reer Telugu shaaca ka qaadeen.

Waa markii labaad ay Allu Arjun iyo Sneha Reddy waalid noqdaan, wuxuuna xidigaan aqbaartan farxada leh taageerayaashiisa baraha bulshada kula wadaagay aqbaartan.

Allu Arju wuxuu yiri “Waxaa nagu soo korodhay gabbar qurux badan, aadban u faraxsanahay waqti xaadirkaan, maxaa ka qurux badan qoyskeena hal wiil iyo hal gabbar!”

“Wax ka badan intaas ma weydiisan karo, Waad ku mahad santihiin dhamaantiina wanaagii aad noo wada rajeyseen, aadban u nasiib badanahay”

Allu Arjun iyo Sneha Reddy sanadii 2011 ayay aqal galeen waxaana horey ugu joogay wiil lagu magacaabo Allu Ayaan haatana gabadha noloshooda kusoo biirtay weli magac looma bixinin.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment