Bulsha:- Dad badan baa aaminsan in sida ay ragga iyo dumarkoodu isugu galmoodaan oo laga sheekeeyaa tahay wax ceeb ah oo ay habboon tahay in laga aamuso, waxaana weeye “waa siday ku andacoonayaane” wax Eebbe dadka ku abuuray oo qofku iyadoon looga sheekeyn uu keligii baranayo, fahamka caynkaas ahise waa mid runta ka fog. Waxaa jira xaqaa’iq ka dahsoon xitaa kuwa isqabay tobanaanka sanadood oo intay isguursadaan, carruur isu dhala, dabeetana muddo dheer dabeeto kala dhinta iyagoon weli dhadhamin macaantii dhabta ahayd ee galmada.
Inay jiraan dhibaatooyin u baahan in la xalliyo ha yeeshee daawadoodii la garan la’yahay, waxaad ka garan kartaa sida dhaqsaha leh ee uu u baaba’o jacaylkii ay isu qabeen labada ruux intii aanay aqalgelin, iyada oo durbaba kolka toddobaadka laga baxo aad arkaysid inuu billowdo kala-did iyo khilaaf laga yaabo inuu keeno furriin degdeg ah. Waxyaabaha khilaafka keena waxa ugu horreeya aqoon darrida ku saabsan isu diyaarinta galmada, qaababka galmada iyo gunaanadkeeda intaba, waxaanay ugu sii daran tahay kolka ay aqoon darridaasi ka timaado dhinaca ninka.
Haddaba si aynu ummadda Soomaaliyeed u tusno in ka sheekeynta iyo dhaqangelinta qaababka kala duwan ee galmadu aanay ahayn ceeb ‘siday dadka qaar ku andacoonayaan’, waxaynu soo daliishanaynaa Aayad Qur’aan ah, annagoo weliba kahor marinayna qiso yar oo la sheegay inay soo degitaanka Aayadda sabab u ahayd. Ibnu Cabbaas (RC) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Waxaa wada degganaa dad Ansaar ah oo dhagxaanta caabuda iyo dad Yuhuud ah oo iyagu kitaab lahaa. Ansaartu waxay Yuhuudda u arkayeen dad ka aqoon badan, saa darteed bay wax badan dhaqankooda kaga dayan jireen. Dadka Yuhuudda ahi dumarkooda waxay ugu galmoon jireen oo qura qaabka dhinac dhinaca, iyada oo weliba cawrada haweeneydu ay aad u asturan tahay. Dadka Qurayshta ah iyaga waxa caado u ahayd inay dumarkooda qaab kasta ugu galmoodaan uguna raaxaystaan, hadday ahaan lahayd soo jeed, sii jeed, jiif iyo joog intaba.
Kadib markii dadkii Muhaajiriinta (Quraysh) ahaa Madiina tageen, ayuu nin kamid ahi guursaday naag reer Ansaar ah, waxana uu damcay inuu ku billaabo qaababkii galmo ee ay Qurayshi caanka ku ahayd, waase ay ka diidday, waxanay ku tiri: “Dhinac dhinac baa naloogu tegi jiraye ama saa iigu tag ama iga tag”. Dhibaatadii qoyskaa dadoo dhami wuu ogaaday, Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) way gaadhay. Markaas buu Allaha cisada iyo heybadda lihi soo dejiyey Aayadda: “Haweenkiinnu beer bay idiin yihiin, ee ugu taga beertiinna saad doontaan”. Macnaha Aayaddu waa haweenkiinna ugu galmooda siijeed, soojeed, jiif ama joog qaabkaad doontaan, waase inaad uga galmootaan xubinta taranka oo qura oo aydnaan marnaba ku fekerin in aad dabada uga tagtaan. Eebbe waxa uu aayadda Qur’aanka ku leeyahay:
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment