Saif Ali Khan Gabadhiisa Filimkeeda koowaad yey la sameyn doontaa?

Bulsha:- Jilaaga caanka ah Saif Ali Khan gabadhiisa curada ah Sara Ali Khan ayaa dhawaan la xaqiijiyay inay Bollywood-ka kusoo biiri doonto.

Qorshaha wuxuu ahaa in Sara uu soo caan bixiyo filim sameeye Kara Johar laakiin arinkaas ma hirgalin haatana xidigtaan filimkeeda kowaad waxay la sameyn doontaa atooraha caanka ah Ranveer Singh.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Sara Ali Khan lagu soo caan bixin doono filimka Gully Boys ee iska leedahay Zoya Akhtar halka Ranveer Singh atoore kowaad ka yahay.

Filimkaan ayaa ka hadlaayo nolosha labo shaqsi oo raabka caan ku ah Mumbai ku nool Rapper Divine iyo Rapper Naezy waxaana la sheegay in Zoya Akhtar horey Ranveer Singh heshiis ula gaartay haatana Sara Ali Khan ay mashruucaan kusoo dartay.

Waxaan wada sugnaa waa in filimkaan lagu magacaabo Gully Boys si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo Sara Ali Khan kusoo biiritaankooda Bollywood-ka si rasmi ah u hirgalo.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment