Ranveer Singh oo lagu maadeystey…YAAB.

Bulsha:- Showga la jecel yahay ee Koffee With Karan Season 5 ayaa wuxuu xalay ka baxay hillinka Star World India waxayna aheyd xalqadii ugu horreysay ee showgaan.

Shah Rukh Khan ayaa marti ku ahaa showgaan, daadihiyaha showgaan ahna shaqsiga loogu magac daray Karan Johar ayaana inta badan xoogga ku saaray su’aalo la xiriira galmada iyo arrimo kale.

Laakiin daawadeyaashii qeybtii koowaad ee showgaan oo dhan ayaa qosol la dhacay ka dib markii uu Shah Rukh Khan si cajiib ah uga jawaabay su’aal uu weydiiyey Karan oo u dheceysay… Maxaad sameyn laheyd haddii aad hurdada kasoo kacdo adigoo sida Ranveer Singh oo kale ah?

SRK ayaase jawaabta u dhigay qaabkii su’aasha loo weydiiyey oo kale isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa haddii aan ahaan lahaa Ranveer Singh waxaan xiran lahaa marka aan hurdayaba kastuumo jilicsan”. Hal mar ayaana goobta qosol iyo sacab isqabsaday markii uu hadalkaas afkiisa kasii dhammaanayey Shah Rukh Khan.

Shah Rukh Khan ayaa waxaa sidoo kale bandhiggaan Koffee With Karan Season 5 qeybtiisa koowaad kula marti ahaa Alia Bhatt, taasoo uu ammaan ugu qubeeyey wuxuuna daaha ka qaaday inay dhowaan noqon doonto atariisho wanaagsan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment