Ranveer Singh Oo Ka Hadlay Guurka Deepika Padukone & Waxa Uu Ku Sameyn Lahaa Anushka Iyo Katrina

Bulsha:- Dhowaan Ranveer Singh iyo Ranbir Kapoor oo ah laba atoore oo saaxiibo ah ayaa waxaa lagu casuumay showga Koffee With Karan Season 5. Waxaana 31 sanno jirkaan Ranveer Singh si gaar ah wax looga weydiiyey guurka saaxiibtiis Deepika Padukone oo muddo dheer uu jaceyl ka dhexeeyey.

Ranveer Singh ayaana wuxuu bixiyey jawaab aan laga fileyn oo kaftan badan laga dheehan karay. Sababtoo ah wuxuu ku tilmaamay guurka isaga iyo Deepika Padukone mid ku xiran qalab.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha la weydiiyey Ranveer Singh waxay u dhexeysay seddax atariisho oo caan ka ah Bollywood iyo qaabka uu u kala dooran lahaa waana Anushka Sharma, Katrina Kaif and Deepika Padukone, isagoo heysta seddax doorasho oo ah inuu dilo jaceyl, inuu guursado midkood seddaxdaan hablood iyo inuu xiriir la sameeyo.

Ranveer wuxuu sida la qiyaasi karay doortay inuu guursado Deepika, laakiin wuxuu ku tilmaamay in guurka 30 sanno jirtaan Deepika uu u maleynayo mid ku xiran qalab oo kale.
Ranveer oo ka mid ah atooreyaasha ugu kaftanka badan Bollywood ayaa sidoo kale doortay inuu dilo jaceylka Anushka sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay in aysan wax micno ah ugu fadhin isaga. Ugu dambeyntiina, wuxuu qirtay inuu xiriir la sameyn lahaa Katrina, ka dibna wuxuu eegay saaxiibkiis Ranbir isagoo ku yiri: “Waan ka xumahay haddii ay doorashadeydu tahay mid qaldan”.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment