Ma jecleed Shaaha cagaarka ah Sir ayaan kuu haynaa -Caafimaad

Bulsha:- Waxa lagu ogaaday diraasado cilmi baadhis ah oo la sameeyay in Shaaha cagaarani leeyahay faa’iidooyin wayn oo ilaalinaya Caafimaadka waxaana ka mid ah kuwaan qurbo magazine uu hoos ku xusayo:

1-Shaaha cagaaran wuxuu saacidaa in ay yaraato heerka Protien ka Xaydha ah ee loo yaqaano Cholestrol ka ee xun markaas wuxuu kaa ilaaliyaa inaad qaado Xanuunada Wadnaha iyo Sanbabada

2-wuxuu aad hodon ugu yahay Maadadaha ka ilaaliya Jidhka Xanuunada guud ahaan

3-mida ugu xooga badan Maadadahaa oo loo yaqaano EGCG taas oo ka caawisa Jidhka inuu iska ilaaliyo wax yeelada kaga imanaysa Shucaaca Qoraxda iyo noocya kala gedisan oo ka mid ah Kudka (Cancer)

4-wuxuu kale oo ka ilaaliyaa Jidhka hadii la mariyo Dubka Dildilaaca iyo inay kala qaybsanto Cells ka aan caadiga ahayn kaas oo soo baxa sababta Kulka Qoraxda ee dhibta leh

5-wuxuu midab u yeelaa Ilkaha hase yeeshee wuxuu ka ilaaliyaa Suuska waayo waxa ku jira Maadada la yidhaahdo Floride wuxuuna ilaaliyaa Ciridka wuxuuna la dagaalama Becteria da dhibta leh iyo weliba wuxuu la dagaalamaa urta neefsiga ee la karahsado

6-wuxuu wanaajiyaa shaqada Kelyaha wuxuu ka ilaaliyaa Fashilka Kelyaha wuxuuna nadaamiyaa Dhaqdhaqaaqa Caloosha

7-wuxuu ka ilaaliyaa Maskaxda shooga wuxuuna hagaajiyaa Xusuusta iyo u Fiirsiga iyo Garashada

8-wuxuu la dagaalamaa inay Sonkortu kor u kacdo wuxuuna kaa caawiyaa dhimista Miisaanka hadaad cabtid Cuntada dabadeeda.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment