Bulsha:- Haweeneey garoob ah guurkeeda wuxuu leeyahay faa’ido iyo khasaaro marka hore waxay ku xiran tahay haweeneeyda garoobta waxa loo soo furay, haddii loo soo furay ceeb ama xumaan ay wadato inta badan kama hari karto dabeecaddaas loo soo furay, haddii ay fiican tahay oo dabeecad xumida uu ninkeeda leeyahay, waxaa dhici karta inay fiican tahay, taas waa guud ahaan.
marka aan ka hadalno faa’idada garoobta ay leedahay waxey kusoo aruuraan 3 faa’iido oo muhiim ah.
1- Galmada ninka ayay u roon tahay dhanka sheekada iyo dhiirranaanta, maadaama ay qibrad u leedahay.
2- Guurka aad bay u ilaalisaa waayo waxay ka baqaysaa mar labaad in la furo.
3- Waxay ku dheeraysaa sida ninka loo dhaqaaleeyo xagga cuntada…
Ceebaha ay leedahayna waa dhowr ceeb laakin waxaan ka soo qaadanaynaa labada ceeb ee ugu daran:
1- Inta badan waxay sheegtaa ninka soo furay oo kaaga soo horreeyay siiba markaad isku xanaaqdaan……
2- Mar kasta waxay isu barbardhigtaa adiga iyo ninka soo furay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment