Bulsha:- Magaceyga waa Raxma, From Sweden, waxaan ahay gabar la qaba, ninkeyga waxaan is qabnaa mudo 6, maalinkaan is guursanay ilaa hada gurigeena ma ahan mid ku dhisan farxad, nin keyga waa beenlow, beentiisa dhoor mar ayaan ku qabtay, beenta ugu wayn aan isku qabanay waa nin cuna hantida umada, waa nin mukhalas ah, dadka ayuu lacagaha been been uga cunaa, maalinkasta gurigeena waxaa yimaada dad isaga raadinaayo iyo dad dhahaya ninkaaga lacago ayuu naga qabaa.
Cilada labaad aan isku nacnay waxaa waaye isaga ma jeclo hooyadeey, ma xariiriyo mana salaanyo, taas aniga ayee ceeb igu tahay nin hooyadeey aan jecleen waa dhibaayo.
Cilada sadaxaad aan ku arkay waxaa waaye masjid ayaa inoo dhow ma ku dukayo masjidka waa nin markasta ku dukada guriga, waan ku kari la ahay salaadaha ku soo duko masaajidka.
Cilada afaraad ayaa ah marnaba ma ogolo in aan dhageesano wacdi ama cajalada diiniga waa mid markasta jaceyl daawashada sports ka iyo filimada
markasta waxaan jeclahay in aan waaniyo laakiin waxaan kala kulmaa caqabado waa wayn iyo xanaaq, hadaba waad aragtaan xaalada sida ay naga tahay, maxaa aragti iyo talo soo jeedin ah, waad ku mahadsantihiin asc.
hadii aad dooneeso in aad talo soo dirsatid fadlan nagala soo xariir cinwaanada hoos ku qoran

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment