Bulsha:- Waxay ku beegneyd maalinta International Day of Children Rights, hayadda UNICEF ayaana abaalmarin siisay shaqsiyaad iyo ururo ka dhisan dalka Greece kuwaasoo u dooda xuquuqda caruurta.
Sidoo kale waxaa abaalmarinno la siiyey iskuullo, halka sidoo kale abaalmarin gaar ah loo gartay Greek Education Ministry Educational Programme kuwaasoo horumariyey xuquuqda caruurta ee dalka Greece.
Si kastaba ha ahaatee, dadka abaalmarinnada qaatay waxaa ka mid ahaa 13 sanno jir lagu magacaabo Mohammed, kaasoo ah wiil dhallinyar oo qaxooti ku ah dalka Greece kana soo jeeda dalkeenna Somalia, waxaana xusid mudan inuu wiilkaani ku hadli karo lix luqadood oo kala duwan.
Mohammed wuxuu ka yaabsaday adduunka sababtoo ah isagoo keliya 13 sanno jir ah ayuu ku hadli karaa lix luqadood. Waxaana xusid mudan inuu iskiis u shaqeysto, kuna darso Mohammed waa turjubaan.
Mohammed wuxuu bartay shan luqadood oo ay ku hadlaan dad shisheeye ah, mana uusan dhigan ee wuxuu ka baawday dadka u dhashay dalalkaas uu luqadahooda ku hadlo kuwaasoo inta badan gargaar u fidinayey dadka ku nool halka uu degan yahay. Luqaddii ugu horreysay ee uu bartay waxay aheyd midda Greek.
Hayadda UNICEF ayaana waxay Mohammed siisay billada Lambros Kanellopoulos taasoo loo gartay maadaama uu yahay shaqsi leh tayo u gaar ah, sidoo kalena dadka cawiya.

Mohammed wuxuu sheegay inuu muddo seddax sanno ah ku noolaa dalka Turkey ka hor inta uusan hooyadiis iyo shan caruur ah oo la dhalatay ula soo guurin dalka Greece, halkaas ayuuna ku bartay afar luqadood oo kale. Marka laga reebo luqadda Ingiriiska, inta badan luqadaha kale ee uu ku hadlo wuxuu ka bartay caruurta kale ee kula sugan xerada qaxootiga.
Abaalmarintaan waxaa la siiyey Mohammed 20kii bishaan Novermber. Mahadsanid Ayaan Leenahay Mohammed Maadaama Uu Guul Usoo Hooyey Dalkiisa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment