Bulsha:- Sahal maahan caashaqa hadaan lagula
sideynin sibir waaka qaraar yahay
samada iyo dhulka dhaxdooda saan
qaadku badanaa samirkuna wacanaa
silsilad waaye dunidaane hadba si kugu
soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa
furiin maxaa ka dhigay?.
Suuban waxaan kaliya Dadka kaala soobaxay Suugaan
kuugu tiriyaa Samo kuugu dhawraa Samaan kuugu heesaa
Suleekha kuugu yeedhaa Wanaagaaga u,sida Sidii sabi
dhalaameed Saxar kaaga ilaashaa Waa jacal i,saarnaa
Sadax iyo toban sano Sidii tiriig siraadnaa Ayaa igu
siyaadoo Saameeyay molashoo Aan laseexan waayoo
Saqda dhaxe i,mira,oo Sahwi igu salaamoo Sanka iga
duleelshoo Suudiyo cadceedkulul Saynabeey i,dhigayoo
Maanta aan lasoognahay Hadba dhinac ii,sida,oo
Marba,aan lasarakici Naftu way siloontoo Samir qaadan
waysoo.
Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo,
xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma
gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo
malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku
haaya.
14716112_318887881814452_7453150065395728048_n
Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa
dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul
aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado,
daahirii rasuulkeena iyo daa’inkii na abuurtaan dartood aan kugu
deeyay.
xiiso caashaqeynii xaashaa lillahiye xushmad buu
muteestay xulashadi haweenkay xil tii iga mudneydey
xaalkaadu siduu yahay xiskaad iiga tiiloo waan kuu
xakaaraye xaajiyo sidee tahay xalay aawadaabaa xarig
laygu taagoo xamaaskeygu baxayee xamar baan u
xiisaye xaalkiis war iga sii.
Nolosha jaceylka
Iga hano salaan kalgaceyl iyo xubbi ku dheehan. waa naf
dooratay aragtidaada, damiirkeeda shaqsiyadeedna uu
cabbiray in aad adiga u noqon
karto hormuud. Taasoo ay
sababtay gacalo nafteeyda oo
kuu qabto haraad xooggan.
Waxay hanashadaadu ii tahay
horumarka nolosha,
horjoogaaguna waa ii naruuro, la noolanshahaaga waa ii
nasteexo, la aantaa noloshu wax micno ah ii ma
sameeyneyso.Waxaan ahay asaagaa kaa eeganaya
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment