Bulsha:- Atariishada Deepika Padukone ayaa si aad ah ugu faraxsan inay ka qeybgasho xafladda heerka sarre ah ee MTV European Music Awards kana dhici doonta magaalada Rotterdam ee dalka Holland.
Waxayna ku qeexday ka qeybgalkeeda xafladda MTV European Music Awards tallaabo horumar u ah fankeeda caalamka. Ka sokoow inay ka qeybgeleyso xafladdaan Deepika Padukone ayaa sidoo kale bixin doonta qaar ka mid ah abaalmarinnada xafladdaan oo qabsoomi doonta caawa oo Axad ah.
30 sanno jirtaan u dhalatay India ayaana daaha ka qaaday inay aad ugu faraxsan tahay casuumadda ay ka heshay qaban qaabiyeyaasha xafladda MTV European Music Awards.
“Xaqiiqadii aad ayaan ula yaabay markii aan helay casuumaadda. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helay casuumaddaan,” ayey tiri Deepika Padukone.
“Waxaan kusoo koray daawashada MTV Awards kumana fikirin inaan maalin ay noqotaba kusoo lugeyn doono rooggaan cas isla markaana aan bixin doono abaalmarin muusigga ah. Waxay tabbaalo horumar ah u tahay fankeyga caalamiga ah.”

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment