Astaamaha Lagu Garto In Ninkaaga Uu Naag Qudaba Siro Ah Qabo

Bulsha:- Inta dumarka Soomaalida waxaa daah ka saaran ama ka qorsoon astaamaha ay ku garan karaan in nimankooda ay xaasas kale hoos ka wataan, 


ninkaaga in aad ogaato in uu xaas leeyahay amauu kula xiiseeyo qof kale dumar ah way fudutahay in aad ogaato, 


hadaba daaha waxaan ka qaadi doonaa wax yaabaha kuu ifin doona astaamahaas kaa qorsaan ama aad awal shaki kaaga jiray

1. Ninkaaga oo ka caajisa gogosha (Galmada)

Waa astaanta ugu wayn ee lagu garto in ninkaaga uu ka caajiso dhanka gogosha, waxay marqaati cad ka tahay in ninkaaga uu meeleesan yahay ama uu meel kale wax ka soo dhadhamiyay, inta badan nimankan waxaa lagugartaa in ay dhaqsi sariirta ku aruuraan iyago ku andacowda in ay daalan yihiin, waxaana is badal wayn ku imaado hab qaabeedkii uu damci jiray naagtiisa.


2. Teleefonkiisa gacanka (Mobile) uu kaa ilaal sho in aad aqriso ama aad aragto

Waa astaan labaad ee lagu garto in ninkaaga uu xiriir la leeyahay qof kale, inta badan teleefoonkiisa gacanta ayuu ku heestaa iska ma dhigo, wuxuuna ka ilaalshaa in la ogaado SMS yada usoo dhaca ama in ay soo wacato qofkii isaga xiriirka la laheed, wuxuu bilaabaa in uu tirtiro massage yada loo soo diro, inta badan teleefoonada markii ay u soo dhacaan ama banaanka ayuu ula baxaa ama wuxuu ku dhahaa qofka igu soo celi waan mashquulsanahay wuxuu ka dheeraanaa hadii uu la hadlo su’aalo kaga imaada xagga xaaskiisa, markii la waydiiyo qofka soo wacay inta badan ma qiro madaxa ayuu darbiyada ku garaacaa mar marka qaarne wuxuu dhahaa waa saaxiibkeyga xaaskiisa ama dadkale ayuu dusha ka fuulaaa.

3. Ninkaaga oo ka hadla arima qof kale

Inkastoo adagtahay ragga qaar in ay ka hor sheegaan xaasaskooda hortooda amaan ama ka hadal qof kale, laakiin inta badan way dhacdaa ragga ismacelin karaan markii loo fiirsho arintaan waxaad ugu dheereeyo qarinta arinkaan haweynka, badanaa ninka wuxuu afka ku soo celcelshaa waa qof wanaagsan, waa gabar maashaAllah, iyo mahadnaq badan uu u sameeyo qof dumar ah, taasne waxay marqaati ka tahay in ninkaaga uu sii gogol xaaranayo in uu qof kale helo, inta badan waxaa lagu macneeyaa waji sii sameesasho iyo soo jiidasho.

4. Waqti badan banaanka ku soo qaata

Ragga u qorsaan xaas 2aad badanaa waxay la imaadan marmarsiyo aan kala har laheen, isaga oo ku an dacooda maanta waan soo daahaa shaqada ayaa igu badan, waxaa i casuumay dad aan macrifo nahay, waana taxno marmarsiyo aan kala har laheen, inta badan wuxuu waqtiga la qaataa qofka uu markaas kula qaba ama uudamacsanyahay, xiliga uu guriga ku soo laabto wuxuu u muuqdaa nin fuleynima ku jirto ama dhaga taag qaba, hadii uu bilaabo ninkaaga soo daahis aan awal lagu aqiiin taa waxay muu jineesaa in uu ninkaaga gacan labaad helay oo aadan meesha waxba ku heen.



5. Cuntada guriga uu san sidii awal u cunin

Dumarka inta badan waxay isku taxluujiyaan in ay u diyaariyaan ninmankooda cunta ay ka helaan iyaga oo u dhaafa dooqoda cunto, sidoo kale dumarka waxay ku dadaalaan xiliyada uu wax cuno ninka in uusan ka dib dhicin, hasa ahaatee dadaalkaan ay sameeneeso nimanka xaaska 2aad leh wax ba qiima ah aktooda kama lahan, waana astaan ku tusineeso in uu cuntada aad u diyaarsay kuugu dhaho ma igu socoto, ama sidii awal uu wax u cuni jiray ka soo gaabiya, maadaama uu cunta kale ka soo cunay xaaska aan wali la shaacin ama qarsan, inta badan wuxuu xiiseeyaa cuntada naagta 2aad ee kariso.

Uguur galinta astaamahaas waa kuwa ku saleesan hab dhaqanka dhinka iyo la macaamilkiisa waayaha dambe, waxaana ka garan kartaa in uu ninkaaga bilaabo gagaabsi xagga arimaha awal, ugu bixis la aanta guriga, inta badan dhaha waan soo luga baxsanaa, waxaas udil waa sifaad lagu karto in ninkaaga uu meeleesan yahay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment