YAAB: 2-saac kadib markii uu Nikaaxsadey ayuu Furey.

Bulsha:- Lamaane u dhashay Sacuudiga ayaa waxay is qabeen muddo 2 saacadood oo keliya, kadib, markii uu Caruuska ka laabtay Nikaaxa cusub ee uu ku mehersaday Xaaskiisa.

Sida uu daabacay Wargeyska OKAZ ee ka soo baxa Sacuudiga waxa uu Caruuska sheegay inuu Xaaskiisa furay, kadib, markii ay jebisay Ballan ay horey u galeen oo ku aadan inaysan Qoysaskooda marnaba Sawirada Xafladda Arooskooda ku baahinin Baraha Bulshadda, sida Snapchat, Instagram ama Twitter.

Laakiin, waxaa la soo weriyey in Wiil la dhsahay Caruusadda uu jebiyey Ballankii, taasi oo soo dedejisay Burburka Qoyskii cusbaa.

Caruuska waxa uu tilmaamay inay isaga iyo Caruusadda ku ballameen inay kala tegi doonaan haddii qoyska labada dhinaca Sawiradda Xafladda Arooska ku faafiyaan Baraha Bulshadda.

Qoyska xaaska la furay ayaa sheegay inuu Heshiiskaasi ahaa mid aan Caddalad ahayn, balse Qoyska Caruuska ayaa sheegay in Heshiiska ahaa qoddob ay Lamaanaha ay horey isugu af-garteen.

Waxayna xuseen inuu Caruuska xaq u leeyahay inuu buuxiyo Foomka Furiinka, iyadoo go’aankaasi uu soo dedejisay furiinka Qoyska Cuusb, kadib, markii ay is-qabeen muddo 2 saacadood oo keliya.

Si kastaba ha ahaatee, Furiinka noocaasi ayaa waxa uu khatar ku yahay Kalsoonida Lamaanaha cusub ee Jacayl dartiisa isku guursaday.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment