Wax Badan Oo Aadan Ogeyn Maantaba Ka Ogoow Xaasidnimada Iyo Qeybaha Aay U Kala Baxdo..!!

Bulsha:- Xasadka Joooji, Xasad Ma bulaalo Xiinleey ma xayaado! waa maah maah soomaliyeed

Culumada musimiintu waxay kala so dhex baxeen kitaabka iyo sunada xaasadku in uu yahay mid la dagaalamaya qadarta alle weyne oo ka xun nimcada alle uu ku galadaysto qaybo kale maadama uu yahay qof ladagaalamaya fadliga iyo nimcada alle baxshay sidaas ayaa loogu tilmaama in uu dagaal kula jira awooda alle weyne iimaana uusan lahayn

Xasadka waxaa lagu micneeyay in qofka uu jeclaado nicmada walaalkiis ama waalahiis in ay ka tagto yuusanba asga xataa heline.

Ruuxaa xaasidka ah waxaa uu nicbeystaa marka uu arko qof ALLAH nicmo siiyay sida cilmi,qurux,mansab iyo maal, waxuu ku dadaalaya asaga oo niyadda ka necbeysanaya sidii ruuxaasi nicmadaas uu heysto uga tagi laheyd.

Qofka Xaasidka ah indhihiisa waxaa ka taagan warmo qumaynimo oo waxaa suuragal ah qofka in uu il ku dilo waxay culumadu muslimiintu qarireen qofkaas in diyadiisa lagu keyahay oo uu kamid yahay qof 5 xabadood ku dhuftay camal alahumustacaan aloow adan ka magan galnay dhig islaam

Qofka xaasidka ah ma ahan ruux mu’min ah sida xadiiskii rasuulka S.C.W oo uu leeyahay qof qalbigiisu kuma kulmaan iimaan iyo xasadnimo

“قال صلى الله عليه وسلم ( لا يجتمع في جوف عبد غبار في سبيل الله وفيح جهنم ، ولا يجتمع في جوف عبد الإيمان والحسد

Calamaadihii lagu sheegay yahuudda oo ay u diideen in ay xaqqa raacaan waxaa ka mid ahaa xasadka waxuu ALLAH s.w ku yiri qur’ankiisa

“قال تعالى ( ود كثير من أهل الكتاب لو يردونكم من بعد إيمانكم كفاراً حسداً من عند أنفسهم من بعد ما تبين لهم الحق ) .

Dambigii ugu horeeyay ee lagu sameeyo samada waxaa sabab u ahaa Xasadka, Rabbi s.w waxuu leeyahay.

“قال تعالى ( وإذ قلنا للملائكة اسجدوا لآدم فسجدوا إلا إبليس كان من الجن ففسق عن أمر ربه )
Sheydaan in uu diido amarka Rabbigii abuuray waxaa sabab u ahaa waa XASADNIMO waxaa uu xasadayaa nabiyyullaah Aadam C,S,W.kibir iyo xasadnimo darteed.

Sidoo kale dambigii ugu horeeyay ee dhulka lagu sameeyo waxaa sabab u ahaa XASADNIMADA, aayad kaloo qur’an ah RABBI waxuu noogu sheegay.

“قال تعالى ( واتل عليهم نبأ ابني آدم بالحق إذ قربا قرباناً فتقبل من أحدهما ولم يتقبل من الآخر قال لأقتلنك قال إنما يتقبل الله من المتقين ) .

Waa ilmo aadam oo is dilay iskuna dilay kadib markii mid ka mid ah la xasaday.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment