U Gaar Dumarka : Jaceylka Noocaan Ah Ragga Lagama Helo Waa Filimada Kaliya Ee Waqti Ha Isaga Lumin

Bulsha:- Filimaanta Romantic ah ayaa door ka qaata in gabdhaha ay rajo beel ka qaadaan xariirka jaceyl iyadoo dhamaan wax waliba oo qalbigeeda jilicinaya ee dareemo ah ay ku jiraan shaashada Taleefishinka .

Mana arkeysid mana maqleysid arimahaas , waxa ayna xaliye ku siineysaa xogta arintaas ee il gaar ah isaga yeelo hana ka filin ninka xariir wadaagga la tahay in aad ka heleysid .

1- Waxa Uu Ka Heesaa Daaqad Gudaheed : ka dib marka ay gabartu la dooddo xabiibkeeda , waxa ay habeenkaas ku dhameysataa oohin oo haddii ay jiraan fariimo jaceyl oo ay ka hayso dib ayayna u aqrisaa wax ayna rajeysaa in xaaladda sideedii hore ku soo noqoto .

Dhanka Filimada : loogama baahna intaas oo dhibaato ah , maxaa yeelay Actor-ka marka uu la doodo qofta uu jaceylka la jiliyo waxa uu la xariiraa koox Music garaacda markaas ayuu hees macaan oo jaceyl diyaarsadaa ka dib la taagaa guriga gabarta jaceylka uu filimka kula jilayo markaas ayuu daaqadeeda hees iyo music qag ugu siinayaa.

2- Waxa Uu Iska Idho Tiraa Haweenka Qurxoon Waxa Uuna Jecldaa Gabar Faqiir Ah Oo Dariskiisa Ah : meeqa qiso ayaan aragnay oo ku dhisan wiil dhalinyaro hantiile ah oo jeclaanaya gabar quruxdeeda iska dhex dhexaad tahay oo faqiir ah dan ka laheyn daryeelka Make Up-ka jirkeeda oo dhar aan qurxooneen xeraneysa .

3- Waxa Uu Leeyahay Dulqaad Xad Dhaaf Ah : Kaliya Filimada , Kaliya Filimada ayaad ku arkeysaa , ninka filimka jiliya waxa uu gudaha ku wata noole labaad oo shaqadiisu tahay sabar iyo dulqaad .

Sanado ayuu sugayaa si ay u jeclaato , saacado badan ayuu albaabkeeda taagnaanayaa isaga oo gacantiisa ku wada ubax ,mana hadlayo halka iyada ay u arkeyso qiyaanoole been loow ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment