Soomaaliya oo ka mid noqtay afarta dal ee aduunka lagu silciyo dumarka

Bulsha:- Qatarta ugu wayn ee heesata nolosha dumarka Sooomaaliyeed ayaan kaliya aheen dagaalka sokeeya ee ka taagan Somalia balse la sheegay qatarta ugu wayn in ay tahay mida dhalmada, sida ay shegtay Qaramada Midoway (UN) in 100 kii dumar ah ee dhala uu mid ka dhiman doono.

Maryan Qasim oo ah Wasiirada Arimaha Haweynka ayaa sheegtay "Halista ugu wayn ee heesta qof dumar Soomaalida  ah in ay tahay xiliga dhalmada taas oo keenta dhimasho"

Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa  tiri "50% in ay  yihiin kuwa ka badbaada dhalmada inta kale ay halis u yihiin dhimasho, wasiirada ayaa ku sababeesay arinkaas in aysan heesan dumarka uurka leh daryeel xiliga ay xunuunsan yahiin iyo dalka oo aysan ka jirin adeeg caafimaad iyo dadaal ku aadan arintaas"

Soomaaliya ayaa kamid noqotay wadamada ay dumarka kala kulmaan dhibaatooyin sida kufsiga iyo ku xad gudubka xuuqda dumarka, wadamada sidoo kale wax yeeleeyo dumarka ayaa kamid ah, Afghanistan, Kongo, India.

wadanka Kongo ayaa noqday wadanka ugu kufsiga badan dumarka, waxaana sanad kasta ka dhaca dalka Kongo 400,000 oo kufsi ah oo loo geesto dumarka dalkaas u dhashtay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment