Sheeko Jaceyl ah: Sucaad iyo Saciid (Jaceyl Si lama filaan ah ku abuurmey)

Bulsha:- Sucaad iyo Saciid waa wiil iyo gabar walaalo ah dhanka qaraabada, waxaa in badan ka dhaxeeyey xiriir walaalnimo oo si fiican ay isugu fahmeen, ma seexan jirin Sucaad habeenki ilaa ay mudo la sheekeysto saciid, isagana sidoo kale ma seexdo ilaa uu la hadlo sucaad waxaase ayada u dheeraa in hadii ay qadka ka weyso aqbaar  ayay u reebi jirtey.

Saciid waa arday aan da’ ahaan weyneyn, lkn aad ayuu u ixtiraama Sucaad oo dabcan aad uga weyneyd, weliba wuxuu kula kaftama erayo ay ka xishooto sida xabiibti iyo qalbi, ayado weliba tiraahda, “Iga daa erayadaas, sow walaalkay iga yar ma tihid, ma waxaad rabtaa inan ka caroodo ama aan kaa daayo kaftanka”

Laakiin marka uu qadka ka baxo ayay ku laabataa oo ay dib u aqrisataa hadaladii uu  kula  kaftamay, iyadoo dhoola cadayneysa ama u baahan sheekooyinkii uu kula kaftamayay inta uusan qadka ka bixin ayay xasuusta iska weheshataa.

Balse Saciid waa shaatir oo dhegba uma dhigo hadalka sucaad, laba maalin kadibna halkiisi ayuu ka sii wada sucaad, laakiin maalin maal maha ka mid ah ayaan arkay isagoo gabar shukaansanaya aad ayaan u xanaaqay ayey tiri waxaana go’aansaday inaanan la hadlin, waxaan nafteyda ku maaweliyey erayo aan horay isu dhaafsan jirnay,  aad baana uga carooday, laba maalin kadib ayuu I dhahay “Miyaad xanuunsan tahay, sucaad ayaantaan kuma arkine?” waxaana hadal uga bilaabay ayey tiri “amaan isii maxaa naagaha u la hadashay”  isagii wuu qoslay, wuuna naxay waxa u si kedis ah ula soo booday “iga raali ahaw naag dambe lama hadlaayo,  sheekadu ma walaalnimay dhaaftay iyo ma aqaano ee markii aad naagaha la hasaabaysay, waxaan dareemay caro xad dhaaf ah, mana ogi wax i haya.

Waqti dheer ayaan ku lumiyey ayey tiri kaftankiisa, hadana waxaan maraya xaalad xun maxaa xal ah ayeey leedahay saxibaday sucaad oo markasta aan sheeko badan ka soo diyaariyo tii ugu dareed ayaan nooga wadaa asxaabey talo fiican Gabadhan Hala siiyo, Waaba iga Qoslisaye.


Waxaa Qortey:

Siraad Sheekeeye.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment