Saudi Arabia oo tuuray kalandarka taariikhda islamka una badashay kan gaalada ama masehiga

Bulsha:-  Layaab dowlada sacuudiga oo u badalatay kalandarka masehiga iney isticmaasho kan islamkana tuurtay

dowlada sacuudiga ayaa waxay go'aansatay ineey iska badhasho kalandarka islaamka una guurtay kalanandarka gaalada ama masehiga axadi (2/10/2016) qorsha ka mid ah beeqaameynta dhaqaalaha.

ilaa markii la aas aasay wadankaasi sacuudi carabiga 1932 dii, Saudi Arabia waxay isticmaalaysay kalandarka islamka ama hijriyada oo ka gaaban 15 maalin sanadkii marka la bar bardhigo kalandarka Gregorian ama  masehiga.


go'aan kaan ayaa waxow ka saacidaa ineey beeqaamiyaan lacagta shaqaalaha dowlada iyo gunada sanadkii lasiiyo shaqaalaha maxaa yeelay kalandarka masehiga wuxuu ka badan yahay kan hijriada 15 bari sanadkii ayay leeyihiin dowlada sacuudi carabiya.


isbuucii lasoo dhaafaayay dowlada sacuudi carabiya waxay shaacisay ineey dhintan mushaaraadka shaqaalaha dowlada wasiirada iyo barlamaanka ama golaha shuurada.

go'aankan baakajka beeqaameynta dhaqaalaha ama austerity package wuxuu kamid yahay mid hori shaqaalaha loogu yareyay mushaarka iyo gunooyinka kale ee lasiin jiray.

Saudi Arabiya waxay qaaday tilaabo ay ku beeqaamineyso dhaqaalaheeda kadib markii hoos u dhacay qiimaha shidaalka aduunka mudo laba sano ku dhow.


Saudi switch from Hijri calendar to Gregorian calendar costs employees 11 days of pay a year | Gulf News https://t.co/mx4GeVUkiE
— سلطان سعود القاسمي (@SultanAlQassemi) October 2, 2016






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment