Bulsha:- Saamaynta jacaylka iyo kacsiga galmada gabdhaha
Jacaylka dhabta ah waxaa laga dareemaa wadnaha ninka marka uu arko gabadha uu jecel yahay wuxuu dareemaa boodbood wadne, kaas oo la sheegay raga iyo dumarkaba inuu qabsado si kedis ah marka ay u kulmaan, sidoo kale ruuxa marka uu galmo samaynayo waxaa ka boodbooda wadnaha dhiiggana si fiican ayuu u shaqaynayaa.
Jacaylka murugo ma leeyahay?
Jacaylka marka uu qofka si fiican u galo oo astaamaha oo dhan ay dhammaystirmaan ninka ama naagta waxay dareemayaan inay ku fikiraan qofka ay jecel yihiin, hurdada ayaa ka qofka ka haado, wuxuu dareemayaa inuu noqday qof had iyo jeer maskaxdiisa ku wajahan tahay xagga gacalka, marka haddii ay jiraan waxyaalo carqalo ku rida jacaylkaas waxaa laga yaabaa qofka waxa jecel inuu dareemo murugo badan, oo xitaa keenaya inuu cunto cuni waayo.
Yaa ku fudud jacaylka raga iyo dumarka?
jacaylka waxaa ku fudud dumarka , hablaha iyagoon ka fiirsanin ayay wax jeclaadaan, waxaa laga yaabaa ninka inuu ereyo macaan ah ku dhaho oo marka ay sidaas ku jeclaato isagoo ay been ka tahay, ragana sidaas ayay u badan yihiin, inay hadalo macaan jacayl ah dumarka ku dhahaan iyagoo ay been ka tahay.
Hal mar ma laysku jeclaan karaa?
jacaylka halka mar laysku jeclaado aad buu naadir u yahay, inakstoo ay dhici karto waxay ku dhacdaa inta badan dadka qalbiga jilecsan oo aan heli karin lamaane ama ay ku adag tahay inay la kulmaan lamaane .
Galmada jacaylka maku xiran tahay?
waxaa jira hablo badan aan u kacsanin raga ayna jeclayn, qaboobka galmada waxaa keena mararka qaarkood jacayl la’aanta ay dareemayso gabadha, taas oo keenaysa inay ka heli wayso haweeneyda raaxada galmada, waayo kacsiga wuxuu ka soo fulaa qalbiga, naagta la mid ma aha ninka xagga galmada, galmada naagta waxay ku xiran tahay caadifada, haddii naagta ay weyso jawi raaxo leh ama meel aan ku habboonayn galmada qooqa ayaa ka buubaya, laakin sidaas ma ah, ninka jacayl kuma xirna galmadiisa.
Dumarka soomaaliyeed jacaylka siday ku yihiin?
waa dumar ka duwan kuwa kale ninka daacad u ah aad bay u daryeelaan

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment