Rakesh Roshan “Hrithik intuu doono ha jiree, Mar Walbo Waa Wiilkeyga”.

Bulsha:- Filim sameeye Rakesh Roshan ayaa afka furtay wuxuuna si toos ah ugu jawaab celiyay Kangana Ranaut oo dhawaan ku tilmaantay Hrithik Roshan 43-sano jir aan isku filneyn oo marwalbo aabihiis garab weydiistoo xaalad kasto oo uu ku sugan yahay.

Rakesh Roshan wuxuu yiri “Weli waxaan ahay aabo shaqeesanaayo, waxaana aad ugu faraxsanahay inaan door muuqdo ka qaadanayo nolosha wiilkeyga”

“Hadaba kuwa u arkaan inay tahay wax aan la aqbali karin in wiil iyo aabihiis is garab istaagaan waxaan u sheegayaa in waalidka marwalbo caruurtiisa wey u baahan yihiin”

“Hrithik Roshan hadii uu 43-sano jir yahay ama 83-sano jir yahay marwalbo waa wiilkeyga”

Rakesh Roshan ayaa sidoo kale u jawaabay dadka aaminsan in Hrithik Roshan uu niyad jab ka qaaday guuldaradii filimkiisii ugu dambeeyay Mohenjo Daro.

Wuxuu yiri “Hrithik waligiis waqti adag masoo marin waayihiisa fanka, hoos u dhac iyo sare u kac qof walbo ayay noloshiisa qayb ka tahay”

“Wax walbo ee uu Hrithik Roshan sameenayo wuxuu sameeyaa asigoo dhoola cadeenayo”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment