Priyanka Chopra Oo Sharaxday Waxyaabaha Xiga Kadib Gaba Gabadii Filimkii Quentico 2, Bollywood & Hollywood Ka Filo

Bulsha:- Priyanka Chopra oo maalmihii dambe u jiheeysatay dhanka iyo Hollywoodka ayaa ka hadashay qorsheheeda xiga kadib markii ay soo gaba gabeeysey Quentico 2 oo ahaa filim taxane ah.

Aktarada waxaa ay sheegtay in waxyaabo badan ay qorsheeyneyso waxaana laga yaabaa in markaan ay kasoo muuqato filimka Bollywood ah.

Bisha ayey sheegtay inay qorsheeyneyso inay keento filim Bollywood, kadib markii wax badan ay Mareeykan ku bixisay duubista filimka taxanaha ee Quentico.

Sidoo kale isla waqtigaas waxaa ay sheegtay inay macquul tahay inay kasoo muuqato filim kale oo Hollywood ah , waxaana ay ula jeedaa in isla waqtigaas ay bilaabidoonto filim kale oo mareeykan ah.

Aktarada waxaa ay xaqiijisay inay ogolaatay ama ay saxiixday mashruucyo badan oo duubis a , waxaa kamid ah inay kasoo muuqandoonto filimka Rakesh iyo Funny Khan.

Filimka Bollywoodka waxaa lasii ogaaday xitaa in Priyanka uu la jilidoono jilaaga lagu magacaabo Anil Kapoor.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment