Bulsha:- Dadka caanka ah talaabo walbo oo ay qaadaan si gaar ah ayaa indhaha loogu hayaa sidaa darteed Priyanka Chopra sawir ay dhawaan gashay sidoo kalena wargeys caan ah Cover looga dhigay ayaa muran badan ka dhashay.
Priyanka ayaa soo xiratay funaanad nooca garanka ah oo Cover looga dhigay sawirkaan wargeyska caanka ah Conde Nast Traveller magazine.
Sida laga fahmi karo sawirka sare garanka Priyanka wadago waxaa ku qoran ereyo muran badan dhaliyeen madaama caalamada diidmada ama masaxa la mariyay ereyda qaar sida Qaxooti, Muhaajir iyo Qofka banaanka ka yimid balse ay ogolaatay xidigtaan inay buun buuniso kaliya kalmada ah qof safraa ah.
Sidaa darteed sawirkaan waxaa loo fasirtay in Priyanka ay cunsiri tahay sidoo kalena diidan tahay dadka qaxootiga ah in dunida lagu soo dhaweeyo!
Priyanka ayaa arinkaan ka amuusi weysay waxayna bixisay raali galin buuxdo waxayna ka dhawaajisay inay ka xun tahay xirashada garankii ay sawirka ku gashay sidoo kalena aysan ahayn qof dadka soo galootiga ah neceb sidoo kalena rabin inay dunida muran badan ka abuurto.
PC ayaa sheegtay in hadafka sawirkeeda Cover looga dhigay wargeyska Conde Nast Traveller magazine uu ahaa kaliya in lala hadlo dadka neceb dadka soo galootiga ah ee dalalkooda kusoo qul qulayaan in fariintaan loo diro balse si kale loo fasirtay.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment