Bulsha:- Waxa ay ku bilaabatay sidatan :
Haddii midkiin hibo loo siiyo ubax , laguna yiraahdo “ubaxaas sii abuur” waxa uu baadi goob u gali lahaa helidda goob ku haboon oo uu ku beeri lahaa, waxaase nacasnimo ah in ubaxa aad ku beertid qashin qub gudihiisa.
Ogsoonaada , gabdhihiinu waa ubax eek a fiirsada ragga aad u guurineysaan.
Waxaa dhibaato iyo khasaare huwaday ninkii gabadhiisa iibiyay oo lacag ku badashay.
Ogsoonaada in saraha, daaraha , villooyinka iyo dabaqyada qurxoon ee aad arkeysaan waa qabuuro lagu duugay haween nool.
Allah ayaa kuu hibeeyay ubaxaasi , waxa aad ugu deeqday qeyb ka mid ah noloshaada, adiga oo ah Aabe ama Hooyo , waxa aad siisay inantaada daryeel gaar ah, waxa aad waraabisay biyaha kalgaceylka ee haku xadgudbin nolosheeda.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment