Maxaa Keena siigada Yaase u badan in la siigeesto Ragga iyo Dumarka ­Daraasad

Bulsha:- Jawaabta suaashii maxaa lagu siigeestaa
1;kacsi Badan: Qofku marka uu kacsado oo dareen galmo oo degdeg
ahi qabato, xaasna uu lahayn, waxay ku
khasabtaa inuu siigaysto.

Cabsida Zinnada: Dadyow badan ayaa xilligay isku qabato mid uun inay
sameeyaan, in ay innaystaan ama in ay siigaystaan; waxay door
bidaan siigada.

Dhaqan Balwo: Qaar iyagu way qabatimeen oo balwad ayey u noqotay, kacsi iyo kacsi la’aan waa kuwii sameeya, maba joogi karaan oo maba noolaan karaan hadaysan samayn. Faa’iidada Siigaysiga? Waxey qofka ka ilaalisaa inuu ku dhaco zino Waxey qofka ka caawisaa inuu dejiyo dareemadiisa oo u raaxeeyo
Waxey qofka ka difaacdaa saamaynta wayn ee shahwadu ku yeelan
karto caafimaadkiisa

Qarash yaraan, Uur la’i, ceeb la’i iyo Tijaabada ruuxu inuu biyo
leeyahay. Faa’iido Darrada Siigaysiga?
Wajiga Koobaad Maskax qalal iyo Maan xidhanXifdi la’aan iyo Faham yari
Xawliga dhiiga oo daciifa Xubinta taranka oo jilicda Aragtida oo tamar daraysa
Miisaanka jidhka oo is dhima Taahid iyo Gariir badan
Dulqaad iyo Firfircooni yari Faalig iyo Qalal dhanka jidhka
Hurdo badni iyo muuqaal xumo.

Maahsanaan iyo Jiljileec badaan Xiniinyaha oo barara oo cuslaada
Himmada rabbaaniga oo yaraata Cuncun iyo Is xoqid badan
Shakki badan iyo Cabsi caafimaad Murugo iyo Qowmamo badan
Iyo qofku horay inuu u guursan waayo
Wajiga Labaad.

Dhabar xanuun badan iyo kelyo xanuun saamayn wayn yeesha Nafaqada timaha oo dhammaata kadib daata
Kacsi la’aan iyo biyo­bax degdeg ah Inay biyuhu (Manidu) soo dareeraan iyadoo kacsi aanay jirin “Semen
leakage” Hab dhiska maskaxda oo khalkhala iyo xididdada oo hawlgaba
Dhibaato lagala kulmo joojinteeda.

Wajiga Saddexaad.
Haddii uu shakhsigu caadaystay inuu gacantiisa ku biya­baxo oosidaas raaxo ku helo, haduu joojin waayo waxay sababtaa, kolkuu guursado in gacanta xabiibtiisa ee jidhkiisa salaaxaysa ku kacsan waayo, ama ka heli waayo mid u dhigma kacsigiisii gacanta.

Siigadu ma buuxin karto xattaa lama tartami karto galmada, maxaa yeelay, waxa keliya ee shaqaynaya waa gacanta iyo xubinta oo maskaxda farriin ka helaya, laakiin galmada waxaa si isku mida oo
wadajira u shaqeeya hab dhismeed ka jidhka, hab dhismeed ka dareemada iyo hab dhismeed ka neerfayaasha oo farriin ka helaya maskaxda iyo murqaha. Xattaa si fudud oo mandaq ah oo la fahmi
karo, halka guurku uu ka leeyahay istiimin iyo salaaxis, ama dhunkasho iyo hadalo macmacaan, siigadu maleh.
Eegga qofku siigaysanayo wuxuu dareemaa raaxo aan u bixiyey (Raaxo Kumeel gaadh) oo soconaysa qadar xaddidan (1­2) daqiiqo, hadhowna qofku wuu ka qowmameeyaa, wuxuu na ku fekeraa
waxyaallo kale oo naftiisa dhibaato u keeni kara.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment