Indhool ayuu Iska dhigay si Uu uga jaaniso xabadan

Bulsha:- Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Austuralia ayaa waxa uu sameeyay tijaabo magaalda Melbourne isagoo doonaya inuu ogaado dadka Runsheegooda iyo amaanadooda.

Wiilkaa dhalinyarada ah ee kartida leh ayaa iska dhigay nin indhoole ah isagoo wareegaya wadooyinka magaalada oo xiran muraayad madow isla markaana adeegsanaya ulsha indhoole-yaasha si uu wadada ugu tilmaansado, dadkii wadada marayay ayuu ka codsnayay inay lacag u sariifaan $5 ah isagoo doonayay in loo jajabiyo hal doolar looga wada dhigo, laakiin waxa uu si ula kac ah ugu dhiibayay $50 si uu u eego sida ay wax yeelayaan.

Wiilkaa dhalinyarada ah ayaa kala kulmay niyad jab iyagoo dad badani isku dayeen inay ka faa’idaystaan indha la’aantiisa lacagtana ugu sarifayay si qiyaano ah, qiyaanadaana inta badan ragga ayaa u badnaa, laakiin haweenku waxay ahaayeen kuwo ka amaano iyo runsheeg badan.


Halkaan Riix oo Daawo Muuqaalka






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment