Ikool kooli xabiibi sidaad ii kool koolin jirtay bilowgii.

Bulsha:- Ikool kooli markastood i aragto anoo murugaysan.
Ikool kooli markaan ubadkeena la joogno, si ay u arkaan sidaan isu jecel nahay.
Igu kool kooli hadaladaada macaan ee naxariistaleh.
Kool koolis igu toosi aroortii markaad salaada ii toosinayso.
Magac aad igu kool kooliso ii bixi maalinta isoogu keen horaysa.
Ikool kooli si naxariis ay kujirto si aan kuula qoslo oo aan kuula ciyaaro.
Igu kool kooli marmar cuntada nooca aan jeclahay.
Igu kool kooli marmar inaad ii samayso wax aan jeclahay oo aad filan waa iiga dhigto.
Igu kool kooli markaan shaqada ka imaado inaad igu soo dhawayso waji furan iyo shumis shidan aad kusii talo gashay.
Igu kool kooli inaad iila dhaqanto sidii aan boqor/boqorad ahay oo kale.
Igu kool kooli hadiyadaha qiimaha wayn iyo qiimaha yar leh labadaba.
Ikool kooli oo si khaas ah iigu naxariiso markaan xanuunsado ama geeri igu dhacdo.
Ikool kooli si aan kuu kool kooliyo adigana.
Ikool kooli si aan u noqodo aabo/hooyo wanaagsan oo farxdi kamuuqato markasta.
Ikool kooli markaan la joogno ehelkaaga/ehelkayga si loo arko ixtiraamka aan isu qabno.

Igu kool kooli wax kasta oo aad u ragto inaad igu kool koolin karto. Ixtiraamka iyo koolkoolisku waa macmacaanka nolosha guurka, qoyska ay ku yaradaan labadani waa sidii cunto bilaa milix ah. Qoyskii laga waayo labadanina waa qoys 24/7 ku jira buuq iyo qaylo aan xuduud lahayn. Hadaba qoyskaakaga iyo reerkaaga ragg iyo dumar midkaad tahayba ku kool kooli akhlaaqdaada wanaagsan iyo kalgacaylka uu Allaah swt kugu abuuray. 







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment