Bulsha:- Xarunta Dalxiiska iyo Damaashaadka Reer Muqdisho waa Xeebta Liido oo Rabi ku maneystay Xeeb Ballaaran oo Neecaaw niyad ku degid ah.
Waxaa isbadel laga dareemayaa Dadka Tegaya Xeebta Liido iyo Maqaaxiyadaha ku dhaw oo aad dadku ugu tamashleeyaan oo lagu qaxweeyo,xilli Cabsida Laga qabo Al Shabaab aysan weli dhamaan.
Ilo wareed Lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya in la adkeeyey amniga Agagaarka Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka Dadka wata Ee Liido tegaya ayaa waxa la weydiinayaa ID CARD (Aqoonsi Meesha uu ka Shaqeeyo) hadii kale uu iskaga laabanyo halkaasi.
Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku dedaalaya ka warqabka dadka imaanaya Xeebta liido si looga gaashaanto Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.
Mucaaradka Dawlada Ee Al Shabaab ayaa marar kala duwan waxay weerar shacab ku laayeen ay ka fuliyeen Maqaaxiyado kuyaalla Xeebta Liido Muqdisho,waxaase hubaal ah in meelaha qaar fisqi iyo Tumasho dad jirkooda ka ganacsada ay Liido tagaan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment