Gabar yahay Iska Ilaaali Dhaqamada Nuucaan Oo Kale Ah Ragga Kama...

Bulsha:- Gabaryaheey waxad ogataa in ay  jiraan habab kala duwan oo aysan wanaagsaneyn  in aad ragga kula dhaqanto xitaa hadii uu  yahay  saaxibkaada ninkaada  ama walaalkaa , hadaba il gaar ah isaga yeelo arimahaan .

Codkaada kor ha u qaadin xiliga aad la sheekeysaneyso xitaa sheeko caadi haddii ay tahay, waxaad ogataa ragga ma jecla haweenka ka cod dheer.

Qaadashada go`aanka kama dambeysta ah , tani haween badan ayaa ku dhaqma, waxaa haboon in ninku ahaado qofka qaadanaya go`aanka kama dambeysta ee ku aadan arin  waliba . raga ma jecla in uu dareemo in aad adiga tahay hogaamiyaha, waxa ayna tani u dareemaya in raganimadiisa  nusqaan tahay.

In aad si aan habooneyn uga sheegeyso saaxibadiisa , waayo waxa  uu aaminayaa in wax laga sheekayo saaxibadiisa in isna yahay  ee il gaar ah isaga yeelo.
Waligaa iska ilaali in ninkaada in  nin kale ku hor amaantid xitaa hadii uu yahay nin magac leh maxaa yeelay ninka raggu waxa uu jecel yahay in uu dareemo in uu  yahay kaliya qofka mudan amaanta.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment