Filimka Mirzya oo noqdey kan ugu Qasaaraha Weyn Sanadkaan 2016

Bulsha:- Nasiib xumo weyn ayaa ku habsatay jilaaga Bollywood-ka ku cusub Harshvardhan Kapooor ee aabo u yahay Super Star Anil Kapoor.

Harshvardhan Kapooor filimkiisa cusub Mirzya bur bur taariikhi ah ayaa ku habsaday wuxuuna noqday filimka qasaaraha ugu weyn sanadkaan 2016 lagala kulmay.

Waxaa xusid mudan in Mirzya uu ka mid yahay 10-ka filim ee ugu qaalisan oo ay sanadkaan Bollywood-ka sameeyen laakiin ma ahan wax la aqbali karo in sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso uu 5 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo!

Fadlan hoos kaga bogo filimka Mirzya iy sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu gudaha Hindiya ka keenay:

Jimco – 1.75 Crore

Sabti – 1.50 Crore

Axad – 1.75 Crore

Wadarta Guud – 5 Crore (Trade Figure)

Mirzya wuxuu loolan u gali doonaa inuu kaalinta labaad kala wareego filimka Bombay Velvet oo horey u ahaa filimka labaad ee ebid qasaaraha ugu badan Bollywood-ka kala kulmaan balse weli filimka Broken Horses ayaa kaalinta kowaad kusii jiri doono.

Dhinaca kale filimka Tutak Tutak Tutiya isagana daadka ayaa qaaday madaama sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso lacago aad u liito uu keenay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Tutak Tutak Tutiya ee hogaamiyaha ka yihiin Prabhudeva, Sonu Sood iyo Tammanah Bhatia lacagaha uu keenay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay:

Jimco – 40 Lakh

Sabti – 55 Lakh

Axad – 65 Lakh

Wadarta Guud – 1.60 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka MSG – The Warrior Lion Heart isagana waa mid bur buray marka laga fiiriyo ganacsiga uu sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay:

Jimco – 1 Crore

Sabti – 1 Crore

Axad – 1.15 Crore

Wadarta Guud – 3.15 Crore (Trade Figure)







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment