Bulsha:- Malabka guud ahaan waa daawo, taasna Quraanka kariimka ayaa lagu sheegay,
wuxuu u roon yahay cuduro farabadan, waxaa la wariyay nin ayaa wuxuu u yimid rasuulka Alle -naxariis iyo nadagelyo korkiisa ha haatee- wuxuu ku yiri: rasuulkii Allow walaalkayga ayaa xanuunsan caloosha ayaa laga hayaa, nabiga wuxuu ku yiri: "malab sii", ninkii wuu tagay malab ayuu siiyay,
calooshii ayaa siyaaday yacnii shubankii ayaa kordhay, ninkii nabiga ayuu u soo laabtay wuxuu yiri: rasuulkii Allow walaalkayga malabkii ayaan siiyay laakin waa siyaaday jirada,
nabiga wuxuu yiri : "Ilaahay baa run sheegay caloosha walaalkaagana been bay sheegtay ee tag malabka sii".
haddana ninkii wuu u soo laabatay walaalkiisa malab buu haddana siiyay, markaas ayuu raystay.
culimada waxay sheegeen sababta uu shubanka u siyaaday marka koowaad markuu malabka siiyay, in caloosha wasakh badan ku jiray marka malabka uu soo nadiifinayay,
malabka ayaa ku filan waxaalo badan aan jirkeena ka arkayno,
laakin samanka aan joogno waxaa adag inuu qofka helo malab aan sokor lagu darin, malabka saafiga ah ayaa la sheegayaa ee ma aha midka sokorta lagu dheehay.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment