Bulsha:- Inkastoo Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo waayihii dambe u muuqday mid horumar ka sameynaya isku hagaajinta ciidamada iyo horumarinta xirfad-dooda ayaa waxaa sii kordhaya tirada haweenka ah ku biiraya ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.
Munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu dalacsiiyay gabdho ka tirsan ciidamada Boliiska , waxaana gabadhaha la dalacsiiyay ka mid ah haweyneydii ugu horeysay abid ee u dalacday darajada Gaashaanle Sare ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed taasi oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Faadumo Xasan Maxamed (Neero).
Faadumo Xasan Maxamed ( Neero ) oo ah madaxa hogaanka is dhaxgalka bulshada iyo Boliiska ayaa ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku soo biirtay 1971, iyadoo wixii waqtigaa ka dambeeyay ku dhexjirtay howlaha Ciidanka, waxaana ay in mudo ah ku soo shaqeysay xirfadeeda Boliisnimo
Haweyneydii ugu horeysay ee noqotay Gaashaanle Sare Boliis ah, Faadumo Xasan Maxamed ( Neero ) oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in diiwaanka ay u gasho horumar-na ay ka sameyso ciidanka Boliiska Soomaaliya, waxaana ay ka hadashay xiliga ay ku soo biirtay Ciidamada.
” Taliyaha ciidanka Boliiska ayaan ugu horeyntii u mahadcelinayaa isago mudnaanta siiyay gabdhaha Soomaaliyeed, aniga 1971-kii ayaan soo qortay ciidanka boliiska, Taliyaha boliiska waa shaqsi xaqa yaqaano, gabdhaha tiro yar ayaan eheyn mudo gabdhaha boliiska kujiray, haatan way kordheen, ku dhowaad waxaan iminka nahay 1000 (kun gabdhood oo boliiska ah ” ayay tiri Gaashanle sarre Faadumo Xasan Maxamad.
Taliyaha waxa uu sidoo kale u xiray darajada ay u dalaceen, madaxa waaxda ka hortaga tacadiyadda haweenka iyo caruurta Dhamme Idil Cabdullaahi Xasan iyo ku xigeenkeeda Dhamme Raxma Salaad Maxamad, iyagoo muujiyay gabdhahaasi sida ay ugu faraxsanyihiin dalacaada ay sameeyeen, waxaana ay kaga mahadceliyeen sida Taliska Ciidanka Boliiska Soomaalieed uu u qiray gabdho ahaan doorkooda, laguna abaal mariyay dadaalka ay muujiyeen.
‘”Waxaanu eheyn marka loo eego Boliiska in gabdhaha la arki jiray kaliya xiliyada 20-ka Decembar oo ah aas aaska ciidanka boliiska, mana jirin in goobo kale nagula arko , hase yeeshee maanta waxaanu nahay kuwo la qeybsanayo Ragga Boliiska howlaha ay hayaan, taasina waxaa mahadeeda leh Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Maxamad Shiikh Xasan Xaamud”ayay tiri Dhamme Raxma Salaad Maxamad .
Taliyaha Ciidanka Boliiska S/G Maxamad Shiikh Xasan Xaamud oo ugu dambeyn ka hadlay goobta dalacsiinta loogu xirayay saraakiishani gabdhaha ah ayaa sheegay gabdhahani dadaal ay muujiyeen ,loona baahan-yahay kuwa cusub oo ku soo biira booliska.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment