Bulsha:- Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti badan qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo gabadh ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale.
Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si ku dhac leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan cida ay jeclaadeen. Waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh. Iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan cida ay jecel yihiin in lagu gacmo saydho oo ay la kulmayaan waji gabax.
Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jeclyahay marka uu jacaylkiisa u sheegto ayaa sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khatar caafimaad oo nafsiyan ah ku timaado.
Laakiin waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jacayku oo si sahlan looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee.
Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si sahlan ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay dareenkeeda iyo doonistiisa.
Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato arrintan, tusaale ahaan maraykanka oo kale gabadha ceeb kuma ah in ay tidhaahdo “Hebeloow waan ku jecelahay”.
Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylka xitaa haddii uu ka dhab yahay.
Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo uu ninku si sahlan ugu fahmi karo gabadha aadka u jecel waxaanay kala yihiin qodobadaasi:
Is barbar dhigis ku samee oo qiimee hab dhaqanka ay gabadhu dadka ula dhaqanto iyo sida ay adiga kuula dhaqanto. Haddii aad gabadha ka dareento in ay ku siinayso tixgelin ka badan ta ay dadka siiso gabadhaasi way ku jeceshahay.
Dumarka qaar ayaa aad uga werwera bed qabka qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii gabadhu ay aad xil isaga saarto in ay ogaato halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, gabadhaasi way ku jeceshahay.
Haddii gabadha ku jecel aad ku aragto hinaase waxa la sifeeyaa in ay ku jeceshahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waa jacayl. Gabadha ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkeeda waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo ninka ay jeceshahay oo uu raaco gabadh kale oo aan iyada ahayn.
Hadaba haddii aad ka dareento gabadha astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin oo aanad dayacin jacaylkeeda ee aad ka faa’iidaysato fursadaha astaamahan aad aragtay.
Run ahaantii waxa aad si sahlan u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga gabadha ku jecel.
Isku day marka aad si dhab ah oo aan mala awaal ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si talaabo talaabo ah ula kulantid ulana haasawdid, una soo jiidatid gabadha ku jecel.
Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad fahmi waydo, kalsoonida dhexdiina ayaa meesha ka baxaysa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment