Bulsha:- Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka Spain Gerard Pique iyo Xaaskiisa Fanaaada caanka ah ee Shakira, ayaa mudo 6 sano ah wada nool, waxeeyna isku dhaleen 2 wiil.
Gerard Pique ayaa dhawaan Caalamka la wadaagay sidii ay isku barteen xaaskiisa Shakira, iyo su’aashii ugu horeeysay ee uu weydiiyo.
Gerard Pique oo wareysi gaar ah siinayay TV3, ayaa ka dhawaajiyay in su’aashii ugu horeeysay ee uu Shakira weydiiyay ay ahayd sida ay tahay Cimilada Koofur Afrika, maadaama sanadkii 2010 halkaas lagu qabtay Koobkii Aduunka.
“Shakira waxaan kula kulmay Madrid xili aan diyaar garow ugu jirnay Koobkii Aduunka 2010, kadib markii aan kasoo muuqday Video-ga Heesta Waka Waka” ayuu yiri Pique.
“Intaas kadib waxaa jirtay inaan Fariimo u qoray xili ay Koofur Afrika Joogtay, su’aasha ugu horeeysay ee aan weydiiyo waxeey ahayd , waa sidee Cimilada halkaas”.
“Waxay ahayd su’aal doqonimo ah oo ay iigu jawaabi kartay Jaakad horay usoo qaado”.
Balse Shakira ayaa sharaxaad waafi ah oo wanaagsan ka siisay Pique Cimilada Koofur Afrika, waxeeyna la wadaagtay Macluumaad walbo oo ku saabsan dalkaas.
Nasiib wanaag wixii xiligaas ka dambeeyay Shakira iyo Pique waxeey isku fahmeen si wanaagsan markii ay Koofur Afrika isku arkeen, Waxaana Pique u suurta gashay inuu markaas xulkiisa Spain kula guuleeysto Koobkii Aduunka, sidoo kale Shakira ayaa nolosha kusoo biirtay, waxeeyna hada kamid yihiin Lamaanaha ugu caansan dunida.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment