DAAWO: Gabar ka sheekeysay Sabab Soomaalida ka nixisay Oo loo furey

Bulsha:- Dhacdo la yaab leh oo ka yaabisay Dadka deegaanka Lafoole waxaana ay ku dhacday gabar magaceeda lagu soo gaabiyey Nasro iyadoo sheekada oo ah mid kooban ay dhacday sidan:

Nasro waxay ahayd gabar xaas ah iyadoo farxaan oo ah ninkeeda uu udadaali jiray islamarkaana ay mar walbo iyadu wanaaga ninkeeda ugu badali jirtay inuu jaceyl usii qaado.

Waxa meesha yimid wiilkoodii ugu horeeyey ee curadka ahaa waxaana muddo lagu wada farxay maadama ubadkii koowaad uu udhashay Nasro iyo Farxaan uu ahaa waxaa loo bixiyey Maxamed taaso dad badan ay ugu hambalyeeyeen qoyskaasi.

Nasro wali waxay umuuqataa qof aad uda’yar maadama ay jirtay 17 sano waxay ahayd qof sidii gabar aan xaas ahayn usocota barafuum isku jabisa dhalo,aad isku ruxda markii ay wadada mareyso hamina uu ka galayo ragga wadada fadhiya ee iskaabulada ah.

Maalin iyadoo guriga joogta ayaa waxa uyimid seygeeda Farxaan cunugii markaan wuxuu jiraa qiyaastoo seddex todobaad waxa uu arkay isagoo ooynaya masaasadna ay Nasro caano kusiineyso.

Farxaan aad buu ula yaabay arintaasi isagoo ku yiri:Maxaa dhacay naas maad siisid wiilka?
Nasro ayaa ku jawaabtay:Masaasada ayaan usoo gaday ma rabo inuu iga dhaco naaska.

Farxaan ayaa ku yiri:malaha kaftan bay wadaaye mar kale ku celiyey oo yiri nasrooy walaaley cunuga naaskaada sii.
Nasro ayaa si caro ku jirta ku tiri ninkeedii:War inuu naaska iga dhaco ma doonayo ma garatay.

Farxaan ayaa waxa uu ugu dambeyn yiri hadii aad ka dhago adeegtay uu ku yiri wanaag ina dhexmaro ma dooneysid hadaad sidaasi cunugeena aad uhagreysee waad mahadsan tahay waana ku furay.

Isku soo wada duub Nasro waaga ayaa ku baryey waxaana ay arintaasi ku noqotay mid fajac ah iyadoo waalidkeed markii loo sheegay arintiina ay taageereen wiilkii farxaan ahaa iyaduna ay bur burisay gurigii udhisna

HALKAAN KA DAAWO MUQAALKA






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment