Chris Brown oo dabeecadiisi qalafsaneed la tegay Kenya ( Gabar Selfie la gal is tiri ayuu Taleefanka ka jabiyay)


Bulsha:-  Fanaanka reer Mareeykan Chris Brown oo booqasho ku jooga magaalo Xeebeedka Mombasa, ayaa lagu soo waramayaa inuu taleefanka ka jajabiyay gabar taageerayaashiisa kamid ah oo dooneysay ineey Sawir Selfie la gasho,Si lamid ah sidii uu sameeyay fanaanka caanka ah ee reer Congo Crooner Coffi Olomide markii uu Kenya imaanayay markaasoo uu Garoonka Jomo Kenyatta ku haraantiyay mid kamid ah gabdhihii gacanyarayaashiisa ahaa.

Chris Brown, oo dabeecad qalafsan leh ayaa dhowr sidaan oo kale ugu xadgudbay qaar badan oo kamid ah taageerayaashiisa.

Gabadha uu taleefanka ka jabiyay Chris, ayaa wargeyska Daily Nation u sheegtay, iney si aad ah u taageeri jirtay isaga markuu uu Mombasa imaadayna ay aad ugu faraxday, laakiin markeey damacday ineey Sawir Selfie la gasho uu taleefanka dhulka uga dhuftay.


Gabadhaan ayaa Booliska Kenya ka codsatay ineey soo xiraan islamarkaasna maxkamad lasoo taago Fanaanka, si lamid ah sidii ay ku sameeyeen Fanaanka reer Congo Crooner Coffi Olomide.
Chris Brown iyo Crooner, ayaa leh hal dabeecad taasoo ah ineey ku xadgudbaan taageerayaashooda, iyagoo aaminsan ineey yihiin Caan islamarkaasna uusan sharcigu qabaneyn iyaga.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment