Cabista Biyaha Kulul Oo La Ogaaday Inay Daweeyaan Cudurro Badan & Xiliyada Ku Haboon In La Cabo

Bulsha:- Daraasado tiro badan ooo marar kala duwan soo baxay ayaa daahfuray in cabista biyaha kulul ay jidhka u leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Qormo lagu soo ururiyey faa’idooyinkaas kuwooda ugu mac ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin:

1.     Cabista biyaha kululi ay si weyn u kordhiyaan dhalaalka wejiga iyo quruxdiisa.

2.     Waxa ay kor u qaadaan awoodda ay xubnaha jidhku u leeyihiin in ay si dabiici ah waajibaadkooda u gutaan.

3.     Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen xeeldheerayaal u dhashay dalka Jabbaan ayaa iyaduna daahfurtay in cabista biyaha kululi ay dawo ka tahay xanuunno aad u badan oo ay ka mid yihiin; Madax-xanuunka, Dhiigkarka, Unugyada dhiigga cas oo yaraada, Suuxdinta iyo qallalka, Buurnimada, Hargabka, caabuqa dhuunta (Hunguriga), caabuqa ku dhaca dahaadhka sare ee caloosha, calool istaagga iyo casiraadda, Guud ahaan cilladaha caloosha, Asiidhka oo jidhka ku bata (Hyperacidity), Macaanka, Kansarka, Qaaxada iyo caabuqa sambabada, Kelyo xanuunka iyo cilladaha kaadi-mareenka, mushkiladaha sanka, dhegaha iyo dhuunta, dhibaatooyinka la xidhiidha dhiigga caadada, noocyada kala duwan ee wadne xanuunka iyo dhibaatooyinka la xidhiidha hab-dhiska neefsiga.

Habka la isugu daweyn karo cabista biyaha kulul:

Warbixin ka soo baxday ururka Midowga Dhakhaatiirta dalka Jabbaan ayaa lagu faahfaahiyey habka ugu fiican ee uu qofku isugu daweyn karo biyaha kulul. Kaas oo ah sidan hoos ku xusan:

1.     Subaxda hore marka hurdada laga soo kaco, waxaa uu qofku cabayaa 4 koob oo ah biyo diirran, koobkii kastana qaadkiisuu yahay 160 ml, (Waxa ay in yar ka yar tahay qiyaasta caagadda biyaha sixada ee 2000 la siiyo). Biyuhu waa in ay diirrimaad noqdaan, calooshuna ay madhnaato. Waa in aanu qofku waxba afka gelin ugu yaraan 45 ka daqiiqo ee ka horreeyey markan uu biyaha diirran cabbayo isla markaana aanu cunto cunin illaa ay laba saacadood ka soo wareegaan markan uu biyaha cabbay.

2.     Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in dadka waaweyn iyo dadka bukaanka ahi ay bilowga hore dhibaato kala kulmi doonaan cabista biyahan diirran, gaar ahaan aanay mar keliya wada cabi Karin afar koob oo biyo ah, sidaa awgeed talada ugu fiicani ay tahay in ay marka hore ku bilaabaan biyo intaa ka yar, marka ay la qabsadaanna hadba in yar ku sii kordhiyaan, illaa ay maalmaha dambe gaadhsiiyaan Afarta koob muddo gaaban gudaheed.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment