Brack Obama oo casho sharaftii ugu dambeysay ku sameeyay aqalka cad

Bulsha:- Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama iyo xaaskisa marwada koowaad ee dalkaasi Michelle Obama ayaa qabtay cashar sharafta qaranka tii u dambeysay xiliga uu madaxweynaha yahay maadaama uu xilka ka dagayo bisha soo socota.

Cashada qaranka ama casha sharafta qaranka oo sanadkiiba mar lagu qabto aqalka cad ee Mareykanka taasoo madaxweynaha dalkaasi uu qabto iyadoo  lagu casuumo madax iyo dad qiimo ku leh dalkaasi iyo dunida iyadoo si heer sare ah loo soo labisto laguna kaftamo la iskuna wareysto.


Obama ayaa casha sharaftani ku casuumay madax sar sare oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi iyo xaaskiisa waxaana muuqatay in Obama uu si farxad leh ugu raaxeystay casha sharaftii u dambeeysay uu qabto intuu xilka madaxweynaha hayo.
Obama ayaa lagu yaqaanaa xarago iyo kaftan siyaasadeed qosol badan waxaana sanadkaan a hadalay hayay sida uu ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iskugu sawiray marwada Obama oo u muuqatay mid ka shidan tan Talyaaniga.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment