Atariishada Kangana Ranaut oo shil gashay.

Bulsha:- Atirishada caanka ah ee Bollywodka ka tirsan Kangana Ranaut ayaa la xaqiijiyay inay shil baabuur oo halis ah ku gashay gudaha dalka Mareekanka.

Kangana Ranaut iyo kooxda filimkeeda Simran oo socdaal safar ku jireen xili ay filimkeeda Simran qaybo ka mid ah duubtay ayaa la sheegay inay xidigtaan shil baabuur oo ay nafsadeyda ku weyn gartay gudaha USA ku gashay.

Waxaa la sheegay in shilkaan uu ka dhacay duleedka magaalada Georgia waxaana la sheegay darawal deegaanka ah oo waday gaariga ay saarnaayeen Kangan iyo kooxdeeda uu gaariga xakameyn waayay sidoo kalena wadada ka baxay gaariga.

Gaarigii ayaa ku dhacay gidaar bir ah wadada geeskeeda ka dhisnaa waxaana la sheegay in gaarigii uu gadoomay sidoo kalena Kangana iyo kooxdeedii xaalad halis ah galeen.

Nasiib wanaag Kangana dhaawac fudud ayaa soo gaaray gaar ahaan dhinaca xusulada iyo wajiga sidoo kalena kooxdii la socotay ma jiro qof shilkaan ku geeriyooday inkastoo dhaawac kala duwan oo fudud soo gaaray.

Kangana iyo kooxdeeda filimka Simran isbitaal ayaa la geeyay waxaana lagu sameeyay baaritaan dheeraad ah waxaana la sheegay in haatan dhamaantooda ay bed qabaan.

Aqriso : Deepika Padukone oo lagu marti qaaday fiinaalka

Kangana Ranaut wax nasiino ah ma galin waxayan maalintii xigtay bilaawday duubista filimkeeda Simran ee uu Director ka yahay Hansal Mehta si uusan waqti kaga lumin kooxda filimkaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment