Bulsha:- Inta badan dumarku way xishood badan yihiin, siiba arrimaha galmada sida nimanka oo kale naago caddaysanya inay galmo u baahan yihiin way yaryihiin siiba kuwa da’da yar oo u dhexaa 15 ilaa 29 marka haddii ay u baahan tahay xaaska galmo waxaa laga dareemaa waxyaalo ku tusinaya inay diyaar tahay waxaa ka mid ah :
1- inay is qurxiso oo dhar fiican ay soo qaadato oo ay ninkeeda sugto hadduu maqan yahay
2- inay kaftan farakacayaar ah la gasho ninkeeda
3: inay dhar khafiif soo qaadato sida diraca oo kale iyadoo aan hoos wax ka gashanayn oo ninkeeda sidaa ku soo ag fariisato ama hortiisa ku foofoorarsata iyadoo si daran baryaheeda u muujinaysa oo iska dhigaysa inay wax dhulka ka gurbinayso
4- inay ninka ku tiraahdo dhabarka baa la iga hayaa ee ii riixriix.
Sida lagu daabacey Majaladda MedicalDaily.com, Khubaro ku xeeldheer arrimaha xiriirka qoyska iyo arrimaha Galmada ayaa waxa ay ogaadeen in hurdada badan ee Dumarka ay kacsigooda ku kordhiso Boqolkiiba 14%.
Waxay khubaradani sheegeen in Haweenka la qabo ee dhalinyarada ah marka ay seexdaan habeenkii hurdo ku filan isla markaana ay si fiican u nastaan in uu siyaadayo kacsigooda rabitaanka galmada isla mar ahaantaana rabitaanka Galmadu uu xaggooda ku badanayo qiyaas ahaan Boqolkiiba 14 (14%)
Saacad kasta oo ku siyaadda hurdada haweenka waxay u kordhisaa rabitaan iyo dareen siyaado ah, sida daraasadan lagu xusay, iyadoo sidoo kale la sheegay in daraasadan lagu tijaabiyay 271 Dumar ah oo la qabo, waxayna socotay muddo labo toddobaad ah.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment