Aishwarya Rai Oo Kala Dooratay Sedexda Filim Ee Ugu Dambeeyay Midka Door Ahaan Ay Ka Heshay .

Bulsha:-  Aishwarya Rai Bachchan wey soo laabatay waxayna la timid hadal xoogan madaama xidigtaan jimcadaan nagu soo fool leh (26 October) tiyaatarada loo saari doono filimka Ae Dil Hai Mushkil ee Karan Jora iska leeyahay.

Hadaba Aishwarya Rai ayaa saxaafada u sheegtay inay siweyn uga heshay doorkeeda Ae Dil Hai Mushkil madaama aysan horey isugu dayin sameynta dumar isku kalsoon sidoo kalena waaya arag ah oo xiriir la wadaageyso wiil ka dhalin yar arimaha jaceylkana wax badan ka aqoonin.

Filimka Ae Dil Hai Mushkil Aishwarya Rai waxay jaceyl kula wadaageysaa Ranbir Kapoor sidoo kalena filimkaan Anushka Sharma ayaa ku jirto.

Inkastoo Aishwarya Rai sanadkii hore kusoo laabatay filimka Jazbaa ayadoo mudo 5-sano ah filim sameynin hadana filimkeedii labaad Sarbjit soo baxay bishii May ee isla sanadkaan hadana xidigtaan waxay ka dhawaajisay inay si gaar ah uga heshay doorkeeda filimka Ae Dil Hai Mushkil.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment