7 nin oo ay haween ku aad u necebyihiin inay nolol la wadaagaan

Bulsha:- safarka dheer ee ay dumarku ugu jiraan raadinta ninka ugu haboon ee ay nolosheeda la wadaagi lahayd inta ka dhiman ayaa ah mid aad u dhib badan iyadoon haweenaydu ay dhibaato badan kal kulanto xulashada xabiibkeeda mustaqbalka 

Sikastaba ha ahaatee daraasad iyo ra,yi ururin la sameeyay ayaa lagu sheegay in 7 arimood  nimanka lagu arkaa aysan haweenku marnaba u qurshaynin in ay nolol la wadaagto amaba ay nafteeda ku aaminto 

1-NINKA DHAQAN CARUURUUREED KA LE

haweenku ma jecla ninka sida caruurta u dhaqma ama u fikira 

aasoo aan hiigsanin hami dheer iyo mustaqbal aayo leh 

sidoo kale ninka cuucan ahi waxa uu inta badan ku mashquulsan yahay 

haasaawe  aan dhamaad lahayn isagoo ka gaabsada 

marka guur iyo  mustaqbal lasoo hadal qaado

waxa uuna mas,uuliyadahaas kasoo qaadaa mid aan isaga looga fadhin oo ay jiri doonaan dad caawiya , haweenka ayaana aad u neceb ninka aan isku tashan 

2-NINKA MASHQUULKA BADAN EE MARWALBA SHAQO KU MASHQUULSAN 

Waa run in haweenku jecel yihiin  ninka shaqaysta ee muuruqiisa iyo maalkiisa ku tashada 

balse  haweeneydu  gabi ahaanaba ma jecla ninka aa siinin daryeelka ay uga baahanyihiin 

iyo in uu ihtimaamka ka yareeyo  , raga nuucaas ah ee marwalba mashquulka badan 

ayayna haweenku ka cararaan ka hor inta aanba guur la gaadhin 

3-NINKA DHAAWACA JACAYL HORE U QABA

hadii aad tahay mid ku soo fashilmay xiriir hore oo jacayl ah 

waxaa kula gudboon inaad wakhti qaadato , oo aad iska ilowdo wax kasta oo hore kuu soo maray 

maxaa yeelay haweenku aadbay uga gubtaan marka ay arkaan 

ninka ay xiriirka la leeyihiin oo ka hadlaaya xidhiidho horay aw ula soo yeeshay gabdho kale

4-NINKA SHUKAANSI BARAD KA AH 

haweenka ayaa ka carara isla markaasina aan jeclayn ninka shukaansi barad ka ah 

maxaa yeelay maaha mid khibrad iyo waayo aragnimo ku filan ka haysta arimaha jacaylka 

markasta oo uu yimaado isku dhac uu cadhoodaa waana mid masayrku aad u madax maray  waxbadan aan kala hubsan 

ficilada nimanka nuucan ah ayaa kuwa fudud oo dulqaadku ku yaryahay 

iyaga oo aanan ka fikirin ka hor inta uu falku dhicin 

haweenka ayaa aad uga fogaada nimanka nuucaas ah.

pizap-com14582473050981

5-NINKA DHIBAATOOYINKA QARSADA OO AAN SOO BANDHIGIN 

nimanka qaarbaa aaminsan inayna sina u haboonayn inya dhibaatadooda sheegtaan 

iyaga oo ka cabsi qaba in lagu maadaysto ama loo arko nin aan karti lahayn 

balse haweenka ayaa aad uneceb ninka dhibaatooyinka haysta ka qariya , isla markaana g,aansada in uu calooshiisa ku qarsado 

haweenka ayaa jecel in waxwalba oo farxad ama dhib ah in ay la qaysadaan ragooda 

6-NINKA AAN SAFARKA BADNAYN 

Dadka qaar rag iyo dumarba waxay aaminsanyihiin in safarku uu wanaagsanyahay 

maadaama ay  mudo kala maqnaanayaan lamaanayaashu 

isla markaasina xiisaha kalgacal uu halkii ka bilaabanaayo isaga oo cusub 

sidaa darteed ayay safaro ku kala maqnaadaan labada isqabta sanadkiiba dhowr jeer 

si kastaba ha ahaatee haweenka ayaa aad u neceb  ka haajirka nimanka safarkoodu badan yahay 

isla markaasna safarkoodu yahay mid mudooyin dheer qaadanaaya 

arintaasna haweenka ayaa aad u dhibsada iyadoo somaalida wakhtigana , ay  aad ugu badantahay arinkaasi , waxaana haboon in haweeneyda aan laga maqnaan 

mudo dheer , maxaa yeelay meesha waxaa ku lumi kara waajibkii guurka iyo baahidii labada qof ay iskaga baahnaayeen oo la gudan waayo 

7-NINKA AAN DAREEN SIIN HAWEENAYDA IN UU GUUR UGA BAAHANYAHAY 

waxaa jira niman badan oo ku dadaala inay haweenayda waxwalba ka caawiyaan 

iyaga oo ku dadaala in ay si walboo haweeneydu ay jeceshahay u sameeyaan isla markaana waxa  ay tusiyaan in ay yihiin kuwa maal haysta oo shaqo wanaagsan haysta 
balse nimanka nuucaas ah qaar badan oo ka mida 

muhiimad gooniya ma siiyaan arinta guurka isla markaasna kama hadlaan arimahiisa 

arintan ayaa ah mida ugu daran ee ay haweenku uga hayaamaan raga badan

si kastoohaweenaydu ay u xishood badantahay ama u sheeko jeceshahay waxaad ogtihiin inay mar walba si gooniya u fiiriso ooay isha ku hayso ninka guurka ka damacsan iyo ka iska raba inuu maalmo la qaato 

haweenku si kasta oo ay u qarsadaan waa kuwo marwaliba niyada ku haya in ay guri iyo qoys la asaasaan ninka ay jecelyihiin 

>>>HADABA HADII AAD LEEDAHAY MID AMA KA BADAN DABEECADAHAN AAN KOR KU SOO XUSNAY  WAXAAD KU DADAASHAA INAAD SIDA UGU DHAKHSIYAHA BADAN WAX KA BADISHAA SI AA U HESHO NOLO DAGAN OO KU RAALI GALISA IYO HAWEENAY WACAN OO RAALIYA AH<<<<







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment