5 qaab sahlan aad ku abuuri karto jaceyl wanaagsan oo romantis ah laamaantaada

Bulsha:- 5 qaab sahlan aad ku abuuri karto jaceyl wanaagsan oo romantis ah

Lamaana walbo oo cusub ama mar dhow is guursaday waxey jecelyihiin ineey abuuraan jaceyl wanaagsan oo romantis ah , asagoo jecel qof ba qofka kale inuu farxad galiya xaaskiisa ama ninkeeda ay nolosha isla qeeb sadeen, hadii xariirka lagu dhiso mid isku kalsoonaan iyo jaceyl wuxuu abuuraayaan in labada qof isa sii jeclaadaan gurigoodana noqdo guri nagi.


Inaad abuurto qooys jaceyl ku dhisan oo romantis ah faraxsana maalin walbo waxaa jiro arimo iska fudud oo xariirkiina ka dhigaayo mid farxad ka dhalaalaayo maalin walbo. waxaa kamid ah arimahaas iska sahlan sida soo socoto

1 . Dhoola cadeyn
Waxaa lagaaga baahan yahay inaad marwalbo u dhoola cadeyso lamaanahaaga ama lamaantaada taas oo kaso goday qalbiga dacaladiisa

2. Ha iloobin inaad marwalbo ku dhahdo waan ku jeclahay
Haka xishoonin inaad lamaantaada marwalbo ku dhahdo waan ku jeclahay xabiibi ama xabiibti maalinti dhoor jeer

3. Sameey Kulan
Xaaskaaga ama ninkaaga u samey kulan labadiina bas ah oo aad ku sheekeysataan farxadna ku wadaagtaan marwalbo is fiirfiirisaan, labada indho markeey isku eegaan waxaa laga sii qaadaa jaceyl xad dhaaf ah, mar marka qaar sameeya inaad labadiiba bas banaanka kasoo casheysaan adinkoo qof kale idiin wehlineynin labadiina bas ah

4. Xasuuso kulamadiina ugu macaana iyo waqtigaad isla qaadateen
Xasuuso oo maskaxdaada ka baarto xaasuusooyinkii macaanaa labadiina isla soo qaadateen iyo jaceylkii romantiga ahaa ee aad soo sameyn jirteen

5. Banaanka isla aada Magaalada kusoo hawa qaata labadiina
In lamaanahaaga ama lamaantaada aan isla aadaan hawo badalasho banaanka ah meelaha xadiiqooyinka ama gardens ka isla fariisataan kuna soo sheekeysataan ayadoo qofba qofka kale u muujinaayo jaceyl waxaa laga qaada jaceyl xad dhaaf ah ee hamoogaanina arintaan ayadana (Aadan yo).


Photo: Copyright Unpopulart/Chyntia Andarinie



W/Q: Aadan yo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment