Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Bulsha:- Dhareerka badan ee xilliga hurdada waa lagu kala duwanyahay oo calyo soo saarista waa lagu kala badan yahay.
Qaar wax yar oo aan la dareemi karin ayay sameeyaan, qaarka kale barkinta ayay iska qooyaan, qaarka kalane hurdada ayay ka soo kicisaa oo way ku sexdaanba.

Dhareerka urka badan wuxuu ka dhalan karaa dadka afka ka jiran ama jiifta iyagoo ilkaha cadaysan ama cirridka buka.
Wuxuu kaloo ku badan yahay dadka ka dheefsada afka oo sanka aanan isticmaalin taas oo qofka afka furan awgiis ay keensanayso in celyada ay u soo baxdo banaanka meesha laga rabay in la liqo.

Waxaad dhibaatadaan uga hortagi kartaa tillaabooyinkaan soo socdo:
1- Cadayso waqtiga aad jiifsayso
2- Haddii aad leedahay laab jeex ama caloosha oo soo rogmato, biyo badan ha cabin hurdada ka hor.
3- Is bar in aad sanka ka dheefsatid afkane isku qabso
5- Haddii aad ilko bolol ama suus qabtid ama cirrid jiran la xiriir takhtar oo iska daawey.
6- Haddii aad qabtid sanboor ama cabursanaan taasoo keensato in afka oo kala furan aad jiifatid iyadane iska daaweey.
7- Haddii aad quuman qabtid waxay keentaa calyo iyo dhareer aad u ur badan oo dheg dheg ah. - Iska daaweey.

Waxaa hubaal ah haddii tillaabooyinkaan aad qaadid in dhareer badan oo ur leh aadan iska arki dooninnaha insha'llah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment