Wax ka baro Dhalmada kadib sida loo qanciyo Xaaskaada daawo

Bulsha:- Hadaba Si aad la socono Cilmiga ummulisanimadu si aad ah buu u horumaray sanadahaan dambe, waxaana jira dhakhaatiir ku faana inay arrinkaasi ka gaareen guulo weyn oo la taaban karo, iyaga oo sheegta inay u ogolaadaan haweenka ay umuliyaan inay dhowr maalmood dhalmada kadib billaabi karaan shaqooyinkoodii caadiga ahaa, iyo inay weliba raggooda kala qaybgeli karaan galmo haddii ay doonaan intaba.

Lakin taasi waxa weeye gef weyn oo ay gelayaan dhakhaatiirta caynkaasi ahi, sababta oo ah dhismaha jirka bani,aadamka waa uu ka duwan yahay qalabka dad sameeyaan ee sidii la doono laga yeeli karo mar kasta oo uu cilmigu hore u maro ama talaabo hore u qaado.

Ha yeshee Marxaladda dhalmadu waa marxalad Bayolojiyeed oo isbeddello badani ay ku yimaadaan awoodda iyo maskaxda haweeneyda. Ilma- galeenku waxa uu u baahan yahay saddex usbuuc oo uu ku soo ceshado qaabkiisii hore (yaraado).

kadib markuu uurjiifku ballaariyey. Sidoo kale qanjirrada naasuhu waxay u baahan yihiin laba usbuuc


si ay ugu caana keenaan si buuxda. Gidaarrada calooshu iyana waxay u baahan yihiin nasasho iyo inay isku laab-laabmaan oo ay isku uruuraan.

Ugu danbeeyntii Wadnaha iyo xididdada dhiigga sida ama qaada iyana sidoo kale si ay ugu soo laabtaan daryeelka jirka kadib usbuucyo badan oo ay xoogga saarayeen uurjiifka Afka cambarku isna waxa uu u baahan yahay waqti ku filan si uu dib ugu soo laabto qaabkiisii hore (inay 1-2 farood geli karaan).

kadib markuu kala ballaariyay madaxa dhallaanku. ama Dhaawacyadii luqunta ilma-galeenku iyana waa inay bogsadaan. Waxa weliba intaa dheer haweeneydii dhiigga faraha badani kaga baxay dhalmada oo u baahan waqti iyo daryeel aan yarayn si ay u soo kabato dhawacyadi kaso gaaray xiligii ay dhalmada ku jirtay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment