Bulsha:- Waxaa Hadley c/casiis wuxuuna ku yiri saaxib sidee la yelaa hee waalidkaaga hadalkiisa qaado gabadhaani iska dhaaf matihid qof isku filan waa lagu bilaa hadii aad dhahdid waan nikaaxsanaa ma soconeyso arintaasi waa tii lagugu fahmo hooyadaana wey kaa niyad jabeysaa
Aniga sidii aan yeelaba raxmo waa inaan xariga ku xiro hooyo hadey rabto ha I buriso
Xamaan wuxuu go,aansadey inuu raxmo uu nikaaxsado laakiin uu ka dhigto mid sir ah kadibna uu gadaal ka soo bandhigo laakiin masuurta gelin
Wuxuun la hadley raxmo wuxuuna u sheegey inuu xal heeyo waxey ku tiri haye muxuu yahay xalka?
Gacaliso waalidkeyga si kale ma uga reyn karo aan ka aheyn khudba siro kadibna soo bandhigitaan waa hadii aad adiga garab igu siisid sidii aan jaceylkeyga aan ku soo dhacsan lahaa aan ugu guuleysan lahaa
Waxey ku tiri khudbi siro waan ka soo fikirayaa taasi aboowe macaan muddo 3beri ah isii
Waayahay waxaan kaa rajeynayaa jawaab wacan
Raxmo durbadiiba waxey dib ugu laabatey maskaxdeeda waxaa hortaagan jaceylkii markaste waxaa u yeeraayo hadaladii xamaan iyo jaceylkii macaanka badnaa uu la qaatey
Muddadii wey dhamaatey weyna soo wacdey waxeyna u sheegtey iney raali ka tahay laakiin waxaad iga balanqadaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan aad igu soo bandhigeysid
Macaanto taasi haka baqin waa balan waxaan rabaa inaan dhaho aniga waxaan qabaa xaas oo aan ka dhaadhiciyo hooyadey kadiba wax la ii qabto
Laakiin ma dhicin hadalkaasi
Wuxuu waqtiga is guraba waxaa lagu balamey in la aado daafeed oo caan ku ah in labadii heshiisaba ay meesha isla aado la isku soo mehersado haweynaadee mise hayaradaanee
Waxaa loo kictimey dhankaas iyo daafeed raxmo ruun iyo xamaan sidii ayaa la isku soo mehersadey
Raxmo markii uu soo dhacey meherkii oo dib ugu soo laabatey muqdisho waxey soo wacdey c/casiis waxeyna u sheegtey arintaan waxeyna ku tiri aboowe aniga iyo xamaan maanta ayaan isa soo mehersaney koley waad la socotaa maxaa dhici doona
Dumaashi jaceylkeyga maa soo faragelisid waxaan ka baqayaa inuu jaceylkeena meel eber ah uu ku dhamaado
C/casiis ayaa niyada u dhisey oo ku yiri maya dumaashi waxba haka biqin jaceylkiina waa uu jirayaa cid idin kala geyn karto malahan aan ka aheyn ilaahey wixii ilaahey idiin qoro waad mareysaan
Ee adiga is ilaali c/casiis wuu u sarbeebey
Laakiin labo qalbi oo isdoortey oo isu ooman miyaa laka celin karaa waxaa laba jibaarmey kulan oo kii hore kaduwan waayo hadda waxaa la yahay labo qof oo is qabto muddo bilooyin ah kadib raxmo xamaan waxey u sheegtey iney bishaani aysan u imaan caado
Ay caadadii ka go,dey micnaheedu tahay iney ka baqeyso inuu uur yimaahdo waxeyna ku tiri maad isoo bandhigtid xamaan wuxuu ku maaweeliyey bilba bisha ka danbeyso waxaan la hadley abtigey bishaan marka la ii soo diro lacagta ayaan kusoo bandhigayaa hooyana waan u sheegayaa
Laakiin ma noqon arintaasi xamaan waxaa la soo deris murugo meel waxaa kaheysto jaceylkiisa meelna hooyadiisa
Wixii la isqariyaba raxmo waxey yeelatey uur 3bilood ah waxaa fahmey hooyadeed waxeyna ku tiri naa sow kuma dhihin is ilaali maxey tahay sidaan uur miyaad leedahay
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment