Soomaaligii dilay Gabadha Iswiidhishka oo la ogaaday inuu qabo xanuunka…

Bulsha:- Baarayaasha Dembiyadda Dilalka ee Qaranka Sweden ayaa shaaciyey in Eedeysanaha Soomaaliga oo lagu magacaabo Yuusuf Khaliif  Nuur uu qabay isku buuqsanaa, markii uu Mindida ku weeraray, kuna dilay Haweeney la oran jirey Aleskandara Mezhar.

Warbahainta dalka Sweden ayaa soo xigtay Warbixin ay soo saartay Hay’addaasi oo lagu muujiyey inuu Eedeysanahaasi dhibaato caafimaad ka qabo dhinaca Dhimirka (Mental Health problems).

Caddayntaasi ayaa waxay la midcno tahay haddii Eedeysanahaasi lagu helo Falka Dilka in loo diri doono Daaweyn Caafimaad, halkii xukunkiisu ka ahaan lahaa in ku dhamaysto Xabsiga.

Wargeyska The GT newspaper, oo markii ugu horreysay warkan lagu daabacay ayaa qoray inay Baarayaasha ku ogaadeen Baaritaankooda Khaaska  kadib, markii ay Shaqaalaha Dhismooyinka lagu xanaaneeyo Qaxootiga ee uu ku noolaa Eedeysanaha oo ku yaalla Deegaanka Mölndal ee Galbeedka Sweden caddeeyeen inuu Eedeysanaha qabay xanuun dhinaca Dhimirka, ka hor inta uusan bishii hore Tooreey ku dilin mid ka mid ah Shaqaalaha Samafalka oo lagu magacaabi jirey  Alexandra Mezher.

Agaasimaha Dhismayaashaasi, Staffan Anderssom yaa sheegay inay dhowr jeer codsadeen in la  caawiyo Eedeysanaha, ka hor inta uusan dilka geysanin.

Afhayeenka Baarayaasha Dembiyadda Dilalka ee Qaranka Sweden, Helena Norman ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Local.se inay soo dhamaystireen Warbixinta ku aadan Dhibaatadda Eedeysanahaasi ka haysato dhinaca Dhibaatadda Dhimirka, balse waxa uu diiday inuu Saxaafadda la wadaago natiijadda Baaritaankooda.

“Sida caadada ah, marnaba faahfaahin kama bixino Baaritaanadda” ayey tiri Helena Norman.

Dhinaca kale, Eedeysanaha Soomaaliga ee Yuusuf Nuur Khaliif ayaa la filayaa in bishan Feberaayo 25-da la soo taago Maxkamad ku taallo magaalladda Gothenburg.

Isbuucii la soo dhafaay, Hay’adda Socdaalka Sweden “Sweden’s Migration Agency” waxay sheegtay in da’da Eedeysanahaasi tahay ugu yaraan 18-jir, inkastoo uu Qaxooti ahaan isugu dhiibay inuu 15-jir yahay, wuxuuna ku noolaa Dhismayaasha lagu hayo carruurta Qaxootiga oo aysan wax Waalid la soconin.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment