Bulsha:- Filim sameeye Karan Johar ayaa ka mamnuucay atirishada caanka ah Sonakshi Sinha inay daawato filim ay shaqadiisa dhawaan guda gali rabto.
Hadii aan sheekadan sharaxaad kasii bixino Karan Johar shirkadiisa Dharma Prodcutions waxay la saxiixatay Siddharth Malhotra iyo Sonakshi Sinha inay dib u sameeyaan filimka Classic ah Ittefaq ee sanadii 1969 la daawaday.
Ittefaq waa filim qayaano iyo cabsi isku jiro ah waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay filimaanta ugu wanaagsan ee ebid Super Star Rajesh Khanna sameeyay.
Hadaba Karan Johar ayaa Sonakshi Sinha ka mamnuucay inay filimka Ittefaq dib u daawato oo ay wax badan ka fahanto qaabkii ay u jileen filimkaan Rajesh Khanna, Nanda iyo Iftekhar.
Ittefaq sheekadiisa dib ayaa loo casriyeeyay sidoo kalena wax yaabo dheeri ah ayaa lagu soo daray ayadoo la sheegay in Akshaye Khanna filimkan door laadarnimo ku matali doono.
Karan Johar ma doonayo in Sonakshi Sinha ay saameyn ku yeelato dadkii horey u jileen filimka Ittefaq wuxuuna xidigtaan ka dalbaday inaysan filimkaan dib u daawanin.
Filimka Ittefaq dib u sameyntiisa waxaa si rasmi ah looga hawl gali doonaa horaanta sanadka cusub waana filim siweyn loo hadal haayo.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment