Bulsha:- Dad badan waxay ka sheegtaan dhuuso aan kala joogsi lahayn taasoo dhib weyn ku haysa la xiriirka bulshada iyo dadka, dhuusada badan waxa ay sideedaba astaan u tahay oo ay timaadaa marka calooshu ama qofku uu qabo cudurka gaaska, sidaa darteedna aan ka hadalno cudurka gaaska.
Gaastiriko waa lurka dhinacyada caloosha. Tani waxay u billaaban kartaa si deg deg ah ama waxay noqon kartaa dhibaato waqti dheer.
Calaamadaha
# Calool xanuun
# Dibbiro iyo daaco
# Lalabbo ama matag
Sababaha
# Daawooyinka qaarkood
# Aashitada caloosha oo badata
# Aalkolo cabbid
# Aad wax u cunid ama cunidda cuntooyin aad u kulul oo basbaas leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada
Daryeelkaaga
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato.
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. Cun xaddiyo yar markiiba.
# Takhtarkaaga la soco.
# Ka fogow cuntooyinka basbaaska leh, cunto aashito ku badan tahay sida bambeelmo, ama wixii cunto ah ee calooshaada dhibaya.
# Ka fogow cabitaannada aalkoladu ku jirto ama kafeyiinta, sida shaaha, qaxwada iyo koollooyinka.
# Cun qaybo yar oo cunto ah markiiba. Cuntada ha iska badin ama cuntada ha ka boodin.
# Jooji ama yaree sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada.
Isla markiiba la xiriir dhkhtar wac haddii aad Isku aragto:
# matag dhiig leh ama baroon mugdi ah.
# saxaro dhiig ama saxaro madow ah.
# haddii aad noqoto mid aad u liita ama war-wareeya markaad istaagto.
# haddii calool xanuun xun ku qabto qabto.
# haddii isku aragto heerkulka ka sarreeya 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.
# haddii aad isku aragto xanuun ama matag soconaya wax ka badan dhowr saacadood.
dhuusada urka badan waxay u noqotaa dhowr waxyaalood oo ay ka mid yihiin, nooca cuntada iyo saxro la'aanta muddo aan la saxaroonin
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment